Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?
    Puntland

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 9, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xeebaha PL Juquraafi ahaan,waa muhiim,gaar ahaan hadii dagaal weyn ka qarxo caalamka Wadanka haysta,ayaa guulaysan kara.

    Maxay yihiin danaha Imaaraadka ee Puntland?

    1.Imaaraadku,wuxuu garoonka Bosaso ku leeyahay saldhig Ciidan oo difaac u ah danahiisa amni iyo dhaqaale….

    B.Waxay maalgalin farabadan ku sameeyeen Dekedaha iyo garoomada Bosaso iyo Berbera,iyagoo galiyay Lacag ku dhow $1billian.

    T.Imaaraadku,wuxuu ka ilaalsadaa Maraakiibta Qaadda shidaalka iyo xamuulka ee kasoo baxa Dekadaha Dubai.

    J.Imaaraadku,wuxuu qayb ka yahay Dowladaha ka hortaga isku milan-ka kooxaha Xuutiga, IS iyo AS.,kuwaasoo uu ka dhaxeeyo tababar iyo hub isasiin.

    X.Imaaraadku,wuxuu ilaalsadaa muhiimadda marinka Baabul-mandab ee gacanta Caddan iyo Badda Cas.

    Kh.Imaaraadku,waxay ilaashadaan Garoonka Bosaso oo ku yaal meesha ugu muhiimsan Somaliya iyo geeska Africa oo ah halka laga galo Qaaradda,Hawada,Badda iyo dhulka

    Maxay PL ka faa’idaa xiriirka UAE?

    PL,waxay kula shaqaysaa Imaaraadka heshiis Milleteri oo rasmi ah,kaasoo Mw DFS Xasan Shiikh saxiixay 2023,halka heshiis kale oo la dagaallanka Burcad badeeda ah uu saxiixay 2011 Mw Faroole.

    PL,waxay ka heshaa Imaaraadka…..

    1. Ilaalinta guud ee Xeebaha,ladagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda.
    2. Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Dekaddaha, garoomada iyo Wadooyinka,sida dhamaystirka Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo.
    3. Dhismaha xarumaha Dowladda sida Saldhigyadda iyo bixinta mushaarka Ciidanka Booliiska iyo shaqaalaha.

    4.Bixinta magdhowga hawlgalka Calmiskaad Ciidanka ku dhinta iyo daryeelka agoonta ay ka tagaan.

    5.Gargaarka iyo deeqaha hay’adda bisha cas ee abaaraha iyo dadka danyarta ah.

      6.Tababarka Ciidamada Puntland.

      7.Qayb ka qaadashada dagaalka Daacish ee Buuraha Calmiskaad.

      8.Bixinta Diyaaradaha garaacista ka fuliya Buuraha Calmiskaad.

        Muhiimada Imaaraadku,waa in uu haysto Bosaso wax walba oo ay ugu kacayso.

        PL,waa umuhiim xiriirkeeda Imaaraadka oo majiro Wadan uga mudan in ay ku xirnaato xilligan xasaasiga ah ee aan la jiri karin garab la’aan.

        Yaa PL kula loolamaya Imaaraadka?

        Waxaa aad udanaynaya Maraykanka iyo Turkiga.

        Maraykanku dhan Imaaraadka,waa Gacmihiisa mid ka mid ah oo uu adeegsado,hadana kuma faraxsana in uu marti uga noqdo PL oo wuxuu ka leeyahay xuduud.

        Turkigu,waa fahansan yahay muhiimada Deegaamada PL si walba uu iskugu dayay in uu soo galana,waa usuuroobi wayday oo xataa waxaa socon waayay heshiiskii Xasan usaxiixay.

        Turkigu,wuxuu wadaa is balaarin caalamka Islaamka ah,isagoo raba in marti looga noqdo oo wax laga waydiiyo,isla markaana uu dago goobaha Juquraafiga ah ee Baddaha iyo Birrigaba.

        Imaaraadka,ayaase uga dheereeyay PL,waana halkaas halka loolanku ka imaanayo iyo dacaayadaha Imaaraadka lagu furayo si shacabka PL loo nacsiiyo.

        Hadafka Turkigu,waa in Imaaraad laga saaro PL kadibna isagu la wareego.

        Follow on Google News Follow on Flipboard
        Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

        Related Posts

        GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

        October 20, 2026

        Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

        October 20, 2026

        CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

        October 20, 2026
        Latest Posts

        GALGALA: Ciidanka Puntland oo toogtay Rag katirsan Al-Shabaab

        Yemeniyiin kasoo cararay colaada dalkooda oo soo gaaray Dekedda Boosaaso

        CALMADOW: Puntland oo duqeyn ku dishay xubno katirsan Al-Shabaab

        GAALKACYO: Liibaan Tahliil oo loo aqoonsaday aabbaha rasmiga ah ee Wiilkii la isku haystay

        WARBIXIN: Muxuu yahay xiriirka uu shaaciyay Natenyahu ee ‘Puntland & Israel’ ?

        WAR CUSUB: Madaxweyne Deni oo diiday tagista Shir ka dhacaya Nairobi

        XOG: Xassan Shiikh oo wajahaya walaac, kaddib digniinta UK & USA

        Mareykanka oo digniin kasoo saaray 11 dal oo Barriga dhexe ah

        Duqa Garoowe oo Vienna uga qeybagalaya Shirka Maayarada Adduunka

        GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay










        AD







        Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
        • Home
        • Puntland
        • Somalia
        • News in English
        © 2026 Idil News

        Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.