Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?
    Puntland

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 29, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    25-sano ka hor Carta,waxaa laga soo abaabulay siyaasad ka dhan ah Beesha Daarood oo lagu burburinayo PL oo utaagnayd Fadaraalisim iyo matalaada siyaasada ee Beesha Daarood.

    Weerarkaas,waa lagu jabiyay PL markii hore oo Mw Cabdullaahi Yuusuf,waxaa la geliyay dagaal sokeeye,waxaana dib loogu celiyay Geedkii Quraca ahaa ee Galkacyo.

    Balse mudo gaaban,ayuu isku soo abaabulay oo dib usoo celiyay kala danbayntii iyo nidaamkii PL oo idil.

    Kadib,wuxuu udhaqaaqay burburinta kooxdii Carta lagu soo dhisay ee Guriga Xamar ka kirayasatay.

    Loolan adag kadib jilbaha,ayuu dhulka udhigay,wuxuuna abaabulay Shirweyne aysan qayb ka ahayn oo Somaliya Dowlad loogu dhisayo,iyadoo wixii Carta kasoo baxayna waxba kama jiraan laga dhigay.

    Arimaha taariikhda galay?…

    1. Puntland oo la badbaadiyay.
    2. Nidaamka fadaraalka oo la badbaadiyay.
    3. Madaxweynihii PL oo ku fariistay Kursigii siyaasigii Carta wadatay uu ku fadhiyay.

    4.Cabdiqaasim oo laga soo dhex qabtay,isagoo ku dhex jira kooxihii Dowlad diidka ahaa ee Xamar,kadibna Villa Somaliya loogu keenay Cabdullaahi Yuusuf.

    5.Melles Sanaawi oo dib uraaligeliyay Cabdullaahi Yuusuf oo ay ku kala leexdeen ka qaybgalkii Shirkii Carta oo Cabdullaahi diiday,isagoo sheegay in halkaas ay kasoo baxayaan kooxo xagjiriin ah oo khatar ku ah guud ahaan Bariga Afrika,balse markii Shirkii soo dhamaaday,ayuu Melles xaqiiqsaday xogtii Cabdullaahi,wuxuuna Garowe ugu diray wefti uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenkii arimaha dibada Itoobiya ee xilligaas.

    PL iyo hogaankeediii si weyn,ayay uga adkaadeen siyaasadii iyo kooxdii Carta oo inta la burburiyay,ayaa lagu fariistay Kursigii uu ku fadhiyay siyaasigii Carta,waxaana Wadankii oo idil lagu socod siiyay nidaamkii fadaraalka ee ay la dirirayeen,iyadoo PL laga badbaadsaday.

    25-sano kadib Carta oo Da’a ah aana lahayn Ilko waxba ma yeeli karto PL-ta dhidibadu u aasmeen iyo Fadaraalka ku dhismay Dastuurkii Dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.