Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Ma dhabaa in DFS aqbashay in ay Itoobiya usaxiixdo heshiis la mid kan SL la gashay?
    Somalia

    Faallo:-Ma dhabaa in DFS aqbashay in ay Itoobiya usaxiixdo heshiis la mid kan SL la gashay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Weftiga Somalida ku matalaya wada xaajoodka Itoobiya,waxa uu gaaray Turkiga,iyadoo uu ku jiro Lataliyaha Amniga Qaranka Xasan Shiikh.

    Waxay ku timid tagida weftiga Somalida ee Turkiga,iyadoon wakhtigii la ballansanaa aan la gaarin Turkidua oo soo jeediyay in wakhtigii ballanta wax laga badalo,isla markaana Somalida iyo Turkidu ay kulan hordhac ah sii yeeshaan ka hor intaan kulanku furmin.

    Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga,waxa uu sheegay in Itoobiyaanku aqbaleen ka laabashada heshiiskii isfahan ee ay la galeen SL.

    Itoobiyaanka,waxaa cadaadis ku noqday Sadex arimood oo kala ah…..

    B.Saamaynta Dhaqaale ee gaaraya $9-ka Bilyan ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya.

    T.Heshiis Simaliya iyo Turkiga ee dhanka Badda oo ay aqoonsatay Gaashaanbuurta Nato.

    J.Ciidamada Masaarida ee kusoo biiraya kuwa Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ujooga Somaliya.

    Itoobiyaanku,waxay wataan shuruudo ay ku badalanayaan ka tanaasulka Heshiiska SL ay horay ula galeen.

    Balse ilaa iyo hada majiraan Shuruudo Itoobiyaanku soo bandhigeen.

    Dhanka Somalida uma diyaarsana Shuruudo cusub oo Itoobiyaanka ay hordhigayaan marka laga reebo kuwoodii hore ee ahaa in ay Itoobiya ilaaliso Midnimada iyo Madaxbanaanida Somaliya kana laabato heshiiska ay la gashay SL.

    Turkidu,waxay muujinayaan in ay Somalida si gaar ah wax ula wadaan,waana sababta keentay in weftiga Somalida ay uyeeraan ka hor furitaanka Shirka si ay wax ula fariisiyaan una kala warqaataan.

    Turkiga dantiisa Qaran dhan walba,ayaa gashay in Somaliya iyo Itoobiya xal ka gaaraan khilaafkan.

     

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Taliska Ciidamada PL oo talaabo ka qaadaya Hubka loo qaaday Laascaanood

    January 17, 2026

    Puntland oo shaacisay Wadamada ay kasoo kala jeedaan Ajaanibta ay ku qabatay hawlgalka Calmiskaad

    January 17, 2026

    Xog:-DFS oo diyaarisay qorshe xoog leh Oo PL ay kusoo weerarayso

    January 14, 2026
    Latest Posts

    Taliska Ciidamada PL oo talaabo ka qaadaya Hubka loo qaaday Laascaanood

    Puntland oo shaacisay Wadamada ay kasoo kala jeedaan Ajaanibta ay ku qabatay hawlgalka Calmiskaad

    Xog:-DFS oo diyaarisay qorshe xoog leh Oo PL ay kusoo weerarayso

    Dastuurada Fadaraalka iyo Puntland maxay ka qabaan heshiisyada….

    Opinion Statement: Puntland Has Reached Its Breaking Point — A Majority View

    Maraykanka oo duqeyn xooggan ka fuliyay Baalade

    Dowlada Jubaland oo qaadacday go’aanka DFS

    Faallo:-PL waxay Imaaraadka ka heshaa faa’iidooyin badan oo istaraatiiji ah

    Puntland oo qaadacday go’aanka DFS Ee Imaaraadka ka dhanka ah

    Why Puntland Is Justified in Rejecting the Federal Government’s Directive…

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.