Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Mucaaradka diidan Qof iyo Cod oo ka jawaabay baaqii MW Deni
    Somalia

    Faallo:-Mucaaradka diidan Qof iyo Cod oo ka jawaabay baaqii MW Deni

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madasha oo aan daawaday jawaabteedii ay kaga jawaabayeen baaqii Madaxweyne Deni,waxay ahayd mid aan jiho lahayn.

    Baaqii wada xaajoodka ma aqbalin?

    Baaqii wada xaajoodka ma diidin?

    Fikrad cusub ma keenin?

    Maxaa ufurnaa oo ay Deni ku dili Kareen ?

    PL Doorasho Qof iyo Cod ah ayay aaday,waxaan iyada ahayna lagama wada hadli doono,marka waxay ahayd aragti cusub oo ay Deni kula rogaan Ciyaarta in ay keenaan.

    Si buuxda in ay u aqbalaan wada xaajoodka,isla markaana aqbalaan Doorasho Qof iyo Cod ah.

    Kadibna ay soo istaagaan Doorashada Qof iyo Cod,waan galaynaa,Anagoo tixgelinay Dalka iyo Dadka,balse waa in Shuruudahan la fuliyaa….

    1.In la dhiso Gudi Doorasho oo 3-Bilood Shaqeeya oo ka kooban Dad dhexdhexaad ah,sida Culumada,Ganacsatada iyo Aqoon yahanka.

    2.In la xaqiijiyo in uusan isticmaalin Xisbiga KAAH Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Dowlada.

    3.In loo sinaado isticmaalka Warbaahinta Dowlada lana ilaaliyo Madax banaanida Saxaafada xorta ah.

    Nasiibdarro sidii la saadaalinayay iskama aysan difaacin Kubada uu kusoo laaday MW Deni Mucaaradka diidan Doorasho Qof iyo Cod ah.

    Waxay ugu ordeen Deni Wadadii uu rabay oo ahayd in ay Hoobiyaha Aadaan,kaasoo iyagana aan ka dhigayn Madaxweynayaal.

    Ciidamada Badda PL ee ay ku meeraysteen,waxaa jawaab ugu filan…..

    (Ciidanku Wadankiisuu ukala gooshayaa oo waxaa waajib ku ah Deegaankii uu culays ka dareemo in uu xoojiyo).

    Warkoodoo dhan,waxuu kusoo ururayaa markaad dhab ufiiriso…..

    “PL oo Dowlad ah in ay uraraan Beelo wada jooga”.

    Sideedii ayay uga dhalatay Kubadii Deni kusoo laaday.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.