Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:- Puntland halkee uga jirtaa loolanka siyaasada Somaliy?
    Puntland

    Faallo:- Puntland halkee uga jirtaa loolanka siyaasada Somaliy?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 12, 2026No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jamhuuriyadii Somaliya laysku oran jiray meel go’aamo siyaasadeed oo wax badali kara ay yaalaan,waa Sadex Madaxtooyo….

    B. Hargaysa.
    T. Garowe.
    J. Xamar.

    Markii fahankaas laga soo tago PL,waxay qayb ka ahayd DF ee sii hoobanaysa,taasoo ubaahan usii toog hayn iyo ka diyaar garoobid dumisteeda kadib oo gudaheeda,ayay is diyaarinaysaa.

    Waxay kaloo PL ku xisaabtamaysaa xataa hadii lawada socdo in Somaliya oo qaranimo ka hanaqaadaa ay qaadanayso 20- 30 Sano oo danbe,ayna PL usii baahan tahay Ciidankeeda,dhaqaalaheeda iyo siyaasadeeda in ay gaar usii lahaato.

    Mida kale ee muhiimka ah,waa in shacabka PL ubaahan yihiin wakhti ay ugu diyaar garoobaan PL oo gaar unoqoto Jamhuuriyad marka ugu danbaysa oo xal la waayo.

    Maaraynta siyaasada xilligan iyo PL?

    1. PL,waa ku saxsanayd in aysan uhanbalyayn Laftagareen oo ahaa siyaasi aan macno siyaasadeed ulahayn PL iyo isagoon iska difaaci karayn weerarkii Xasan Sh uga imaanayay.
    2. PL,way ku saxsanayd in ay hoos udhigto maqaamkooda siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka kula jira ee Xamar kasoo jeeda oo ay baajiso Shirkii Garowe,sababtoo ah,waxay xaqiijisay…..

    B. In aysan lahayn saamayn.

    T. In ay PL loolan ku yihiin si la mid ah Xasan.

    Fahamka PL Maanta,ayuu xaqiiq noqday oo lagu tijaabiyay banaanbaxyadii,waxaa kaloo muujiyay loolankooda aragtida doorasho ee ay wadeen.

    PL,iyadoo ka duulaysa fahamkeedaas ayay yaraysay xiriirkii siyaasiyiintaas oo waxay uxilsaartay JL Bishii ugu danbaysay.

    1. PL,way ku saxan tahay in ay inkirto oo kasoo qaado,waxaanba jirin waxa ka socda Dhuusamareeb,sababtoo ah…

    B Qoor-qoor haduu soo laabto nacfi uma leh,haduu tagana waxba uga dumi mahayaan.

    PL VS Xasan?

    PL shaqada Xasan wado 65%,waxay ku tahay loolan maalinle ah,waxaase Mustaqbalka ugu jira dano waa weyn oo siyaasad,amni iyo dhaqaale ah….

    1. In doorasho laysla ogol yahay ay dhacdo oo uu soo baxo Madaxweyne haysta Afar Sano oo cusub oo aan PL kasoo jeedin,waxaa ka fican in Xasan oo aan sharciyad haysan uu fadhiyo Villa-da.
    2. In masraxa siyaasada lagu bahdilo siyaasi aan lahayn Deegaan doorasho oo Boorsa wata,waa qodob PL macno uleh.
    3. Xasan oo Hawiye Champion ah iyo PL oo Daarood Champion ah ama si kale hadii loo dhigo Xasan oo kaligii wax laga waydiinayo Koonfurta Galkacyo-Kismaayo iyo PL oo intii kale ah in loowada hadlo,waa dan siyaasadeed oo PL uhakanayso.
    4. Siyaasiyiinta Daaroodka oo markay loolan joogto aan waxba badali karin,balse markii loolanku dhamaado Suud soo xirta oo shaqada PL qabatay ku cad goosta in miisaankooda ay arkaan,waa u muhiim PL.
    5. Xasan Dalkan in lagu kala tago,ayuu fududaynayaa,taasna PL,waa udan markay iska ilowdo lexjeclada gaarka ah ee ay iska saarayso Qaranimada Somaliyed.

    Ciyaarta siyaasadeed ee socota way ka fog tahay mid caadifadeed oo maalinle ah.

    PL xisaabtu kama khaldana.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    October 17, 2026

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    October 17, 2026

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    October 17, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Garsoorka culimada oo dhageystay dacwada wiil yar oo la isku haystay

    Ethiopia’s Ambassador Misreads the Geopolitics of the Horn of Africa.

    Khasaare ka dhashay Daadad kusoo rogmaday deegaano katirsan Puntland

    Itoobiya oo casuumad u dirtay Cabdiraxmaan Cirro [Abiy oo Somaliland ka doonaya Hal Qodob]

    Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga gobolka Mudug?

    Madaxweyne Cirro oo dib ugu soo laabtay Hargeysa

    DEGDEG: Puntland oo qabatay Doonyo Iran iyo 60 shaqaale ah oo saarnaa

    Maxay ka dhigan tahay in Trump uu ‘Somaliland ugu yeero dal’?

    Ilhan Omar “La i aamusin maayo”

    RIYADH: Xuutiyiinta oo gantaalo ku dilay dad Sacuudiga u tagay Cumro










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.