Ciidankii Booliska,waa dhisnay oo hada,wixii ka danbeeya sii hormarin joogta ah ma’ahane uma baahna isbadal asaasiya….
- Waxaa la dhisay Askariga akhlaaqdiisa,aqoontiisa iyo Labiskiisa.
- Waxaa la dhisay xarumaha ay ku shaqaynayaan,Gaadiidka ay isticmaalayaan iyo qalabka ay adeegsanayaan.
- Waxaa la dhisay hogaamadoodii oo Gacanta loo geliyay dhalinyaro aqoon leh oo hami iyo han haysa.
Maxaa noo harsan?
- Ciidanka Daraawiishta oo magaca laga badalo oo loo badalo Milleteriga PL,isla markaana hogaamadooda la dhiso oo loo dhiibo dhalinyaro diyaarsan oo laga dhex saaro Odoyaasha soo daalay,shaqaalaha Madaxtooyada iyo Wasaaradaha.
- Ciidanka Madaxtooyada oo habacsanaanta laga saaro oo laga hufo ku dhawaad 300-Askari oo iskugu jira gabow iyo Geeri,isla markaana tababaro cusub iyo qalabayn layskugu daro.
Tayaynta Dowladnimada,waa halhayskii uu Mw Deni kusoo galay olalihii doorashada ( Tayayn iyo Tiigsi),waxaan uga fadhinaa in uu dhamaystiro 80% hiigsigaas.
