Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Qorshaha Xukuumada iyo khudbadii Madaxweyne Deni
    Somalia

    Faallo:-Qorshaha Xukuumada iyo khudbadii Madaxweyne Deni

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Khudbadii maanta Baarlamaanka uu ka horjeediyay Madaxweyne Deni,isla markaana uu kusoo bandhigay qorshaha Xukuumada ee 5-ta sano ,waxaa la oran karaa waxay ahayd mid mudan in loo hakado.

    Khudbad iyo qorshe si mug leh loosoo diyaariyay loogana fiirsaday,ayay uumuuqdeen..

    Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Waa hadal taabtay boogihii iyo baahiyihii bulshada Puntland,balse ubaahan hirgalin iyo in ficil loo badalo eraydaas wanaagsan ee bulshada qalbiga u qaboojiyay.

    ”Waxaan uqoondaynaynaa Dhulka maqan iyo kuwa khatarta ku jira ee argagixisadu joogto qoondo dhaqaale oo u gaar ah,waa xoraynaynaa waxaana ka hirgalin doonaa mashaariic horumarineed”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Markale waxay erayadan ka mid ahaayeen khudbadi uu kusoo bandhigayay qorshaha Xukuumadiisa,waana kuwo tixgalin gaar ah leh oo ah waxa ugu horeeya ee looga baahan yahay in uu wax ka qabto ama ku dhaqaaqo.

    ”In 20-sano kadib Xukuumada layska dhex arko sidii mid dib u heshiisiineed oo aan lagu xisaabtamin waxqabad,cadaalad iyo yaa mudan waxay noqonaysaa in Puntand ay ubaahan tahay kor uqaadid waaqicigeeda siyaasadeed”

    Waxay ka mid ahaayeen hadaladisii meel galaaga ahaa ee uu maanta ka jeediyay Baarlamaanka hortiisa Madaxweyne Deni.

    ”Aadbaan uga xumahay qoondadii aan urabay haweenku in ay ka helaan golaha Wasiirada aan buuxin waayay,waxaana i hor istaagay siyaasiiinta oo aan ogalayn doorka Haweenka”ayuu yiri Madaxweyne Deni..

    Waa erayo kale oo mudan in loo hakado oo ka mid ahaa khudbadii Madaxweynuhu ka horjeediyay baarlamaanka maanta.

    ”Isimadu ima dhibin markaan ku iri wakhti halay siiyo soo dhisida Xukuumada iyo qoondada Haweenka,halkaas ayay iga istaageen waana isugeen,balse siyaasi ayaan ka dhaqaaqi waayay”ayuu yiri Madaxweyne Deni.

    Waa erayo muujinaya in isimada waaqicigooda ku aadan haweenka iyo dowladnimada uu kor kacay caqabadna aysan ku ahayn horumarka umada.

    Fikirka muhiimka ah ee laga dhex arki karo khudbada iyo qorshaha Madaxweyne Deni oo mudan in loo hakado,ayaa waxa uu yahay in aan lagu xisaabtamin beeshayda matalaad maku leedahay Xukuumada cusub,balse lagu xisaabtamo Wasiirka loo xulay Wasaraadaas ma yahay mid buuxin kara booska.

    Isku soo wada duuboo Golihii Wasiirada waa la ansixiyay waxayna heleen cod aqlabiyad ah oo gaaraya 63-cod.

    Waajib waxaa ku ah muwaadin walba oo hadafkiisu yahay horumarka dalka in uu si buuxda ula shaqeeyo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa cusub wakhtina la siiyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.