Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FAALLO: Ra’iisulwasaare Khayre Waa Siyaasi Fashilmay ? W/Q: Danjire Caalim
    Somalia

    FAALLO: Ra’iisulwasaare Khayre Waa Siyaasi Fashilmay ? W/Q: Danjire Caalim

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 12, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dadka Soomaaliyeed way wada xasuustaan qaladaadka ka dhacay labadii sano ee uu xilka hayay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali khayre Falanqeyn tayduna maaha caadifad ee waa mid aan ku tilmaamaayo siyaasiga khaldama waa in loo sheegaa qaladkiisa iyo waxyaabaha ka qaldamay iyo balankii uu qaadey inuu uu fulin waayey. Waa wax aan suurta-gal ahayn inuu si khaldan iskaga dhaadhiciyo inuu waxqabtey.

    Waa Tee ku Xukuumad Wanaagsen?

    Xukumadda wanaagsen waa nidaam iyo go’aamo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka dawladeed oo Dastuurka lagu dhaqmo iyadoo la tixgalinayo Golayaasha sharcidajinta.

    Xukumada Ra’iisulwasaare khayre waxaa astaan unoqdey isbarbaryaac iyo isqabqabsi, kuwaas oo ah astaamaha ugu horeeya ee lagu garto in xukumadaasi Fashilantay iyo in kale.

    Waxaa xilka laga qaadey wasiiro badan iyo Taliyayaal ciidanka hogaaminayay, waxaa meel xungaaray wada shaqeynta Xukuumadda Ra’iisul wasaare khayre iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

    Sidoo kale, Waxaa la dhibaateeyey dhowr siyaasiyiinta madax banaan ah, ururada bulshada iyo Saxaafadda, Waxaas oo khalad ah waxaa masuuliyadeeda iska leh Xukuumadda Ra’iisulwasaare khayre, Waa hadii la doonayo in dawlad wanaagsan ay dadka Soomaaliyeed helaan.

    Xukumadaha aduunka ka jira waxaa lagu yaqaan dhaqanka kala dambeyn oo sharci ku dhisan. Maadaama uu Ra’iisul Wasaare khayre yahay shaqsiga ugu sarreeya hay’adda fulinta, labadii sano ee uu hogaaminayey
    Xukumadaha Marna ma uusan qiran in xukumadiisu ku Fashilan tahay Hirgalinta Hanaanka Dawladnimo ee xukumadiisu balan qaadey,

    Waxay Xukuumadiisa noqotey mid ay ka muuqdaan Isbarbaryaaca iyo isqabqabsiga Wasiirada iyo wasiir dawlayaasha ama wasiir ku xigeenadaba. sidoo kale waxaa sanad ka badan aan Agaasimayaal Guud laheyn in ka badan 13 Wasaaradood oo waxaa howshaas baaxadda leh si KMG ah u wada Wiilal yar yar oo aan qibradaas laheyn.

    Waxaa xukuumadda Ra’iisulwasaare khayre fadeexad ugu filan wiil yar oo agaasime waaxeed ah inuu ka awood badan yahay Wasiirka Wasaaradda ku magacaaban, Arrimahaanina waxey salka ku haayaan Ra’iisul wasaare Khayre oo ay ku habsatay karti xumo, go’aan xumo iyo khibrad la’aan
    dowladnimo, taas oo abuurtay jahwareerka labada sano horyaal hoggaanka Madaxweyne Farmaajo oo wali Qiran la’ in uu ku Fashilmay soo magacaabidii Ra’iisul wasaare Khayre Arrimahaan isbiirsaday ee fashilka sida Amniga Muqdisho oo aad u xun. Cadaalad daro, Musuq maasuqa. Khilaaf siyaasadeed oo dalka oo dhan ka jira & xiriirkii caalamka oo liita dhanac kasta.

    Hadii aan wax laga qaban Fashilka xukumada Ra’iisulwasaare khayre arinkan waxay uu horseedi in dalka uu galo colaad iyo isqabsi keeni kara in Doorashooyin aaney dhicin 2021, iyadoo durbaba ay gudiga doorashadu cadeeyeen in 2021 ka aaney suurtagal aheyn iney qabsoonto doorashadii la filayay ee qof iyo cod.

    Ugu dambeyn waxaa Madaxweyne Farmaajo laga sugayaa Go,aan Geesinimo leh oo uu khaladka hoggaankiisa ku jira in uu dhaqso u qaato si uu isku saxo.

    Danjire maxamed caalim 
    Caalim68@hotmail.com

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.