Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Sanad ku dhawaad dagaalka Qasa
    Somalia

    Faallo:-Sanad ku dhawaad dagaalka Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    11 bil,ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Qasa,iyada oo ay wali Ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Qasa iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

    Ilo-wareedyada caafimaadka,ayaa Sabtidi sheegay, in duqeymo ay Ciidamada Israa’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa ay ku dileen ilaa 61-Qof oo Falastiiniyiin ah.

    Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza.

    Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah.

    Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha.

    Dhanka kale qoyska Ayshenur Ezgi Eygi oo ah muwaadinad Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeday Turkiga oo Jimcihi lagu dilay Daanta Galbeed xilli ay ka qeybgaleysay mudaaharaad looga soo horjeeday Israil, ayaa dalbaday in dilkeeda lagu sameeyo baaritaan madax bannaan.

    Aqalka Cad ee Mareykanka,ayaa isna ku baaqay baaritaan.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.