Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Sanad ku dhawaad dagaalka Qasa
    Somalia

    Faallo:-Sanad ku dhawaad dagaalka Qasa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    11 bil,ayaa Sabtidi shalay u buuxsantay dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Qasa,iyada oo ay wali Ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Qasa iyo dagaalka dhulka ah oo ay kula jiraan dagaalyahannada Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

    Ilo-wareedyada caafimaadka,ayaa Sabtidi sheegay, in duqeymo ay Ciidamada Israa’il 48-ki saac ee lasoo dhaafay ka geysteen qeybo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa ay ku dileen ilaa 61-Qof oo Falastiiniyiin ah.

    Meelaha ay dadka rayidka ah intooda badan ku dhinteen ayay wararku sheegayaan in ay ku jiraan guryo dad rayid ah ay deganyihiin oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Jabaaliya iyo Nuseyrat ee Marinka Gaza.

    Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarun ay ka howlgalaan Xamaas oo ku taalla Jabaaliya. Kooxaha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in duqeynti ugu danbeysay ee Sabtidi shalay lagu dilay guud ahaan 28 Falastiiniyiin ah.

    Garabyada hubeysan ee Xamaas, Islamic Jihad garabka millatariga ee Fatax ayaa sheegay in ay ciidamada Israa’iil kula dagaalameen guud ahaan Qaza Sabtidi isla markaana ay u adeegsadeen gantaalada lidka taangiyada iyo bambaanooyinka hoobiyeyaasha.

    Dhanka kale qoyska Ayshenur Ezgi Eygi oo ah muwaadinad Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeday Turkiga oo Jimcihi lagu dilay Daanta Galbeed xilli ay ka qeybgaleysay mudaaharaad looga soo horjeeday Israil, ayaa dalbaday in dilkeeda lagu sameeyo baaritaan madax bannaan.

    Aqalka Cad ee Mareykanka,ayaa isna ku baaqay baaritaan.

     

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.