Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Wax walba waxaa ka horreeya Badqabka Puntland iyo dadkeeda
    Somalia

    Faallo:-Wax walba waxaa ka horreeya Badqabka Puntland iyo dadkeeda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 17, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Khubarada dhanka ammaanka marka ay ka hadlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid.

    Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyabaha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga.

    Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu horeeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon karaan isku-awood dhaqaale iyo sirdoon.

    Haddaba markaan ujeedkayga usoo dago markaan eegno xaalka maanta ay Puntland ku jirto ee halista badan, marka aynu eegno sidda dhinac walba cadaw u kulaalayo marka aynu eegno Gobolka Bari oo la ciir-ciiraya Argagixisada Daacish & Shabab oo aad mood hadda inay ku kobcayaan iyagoo qolo waliba isu diyaarinayso inay dagaal ku ekeeyaan dadkeena & deegaankeena ayna ka dhigaan meel ay iyagu ka arimiyaan Bariga Africana kaga duulaan.

    Iyadoo taasi taagan tahay ayay Gobolka SOOlna Duqayn & gumaad lagabilaabay iyadoo Caasimada Puntlandna Akteeddana lagasoo buuxiyay Ciidamo ku hanjabaya in Garoowe laga qaxidoono haddaad dadkiina & deegaankiina aad soo jaleecdaan. Khataraha waxaasii dheer dagaalka Argagixisada lagaga adkaaday Koonfurta Soomaaliya oo firxadkoodu soo aadi karaan dhicaa iyo Buuraha Bariga Dhulkeena.

    Haddaba waxaas oo dhan oo jira waa inaan helnaa hoggaamin khibrad amni leh oo waliba lexejeclo iyo Qadiyada naf hurnimaa leh, markaa wax bada waa in laga fakaraa kuwa aan kaganacsa Qiyam keena & Mustaqbalka Umadeena Ubadkeena waa in la taxadaraa. Waa inaan Awooda saarno hayadaha Amina & Sirdoonka.

    Ogaw waxa aynu intii horre horumar ka samaynay xaga kaabayaasha dhaqaalaha waddooyinka Ganacsiga markaa waxa inoo hadhay ee aynu ku xaqiijin jiritaan keena waa Hayad Sirdoon.

    Sirdoon waa hawl-gal; ujeedadiisu tahay, badbaado bulsho, waa laan ka mid ah, laamaha dowladda, waliba halbowle u ah xasilinta iyo amniga waddanka. Dal quwad iyo awood leh, haddaad dheehato, lugaha uu ku taagan yahay, waxaa ka mid ah, hay’adaha sirdoonka.

    Wax walba waxaa ka horreeya Badqabka Puntland iyo dadkeeda.

    Mubarik Ashkir

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.