Berri,Xasan,ayaa noqon doona markay siyaasada timaado Hawiye Champion ama Mucaaradka Muqdisho,ayaa muruqooda Somalida tusi doona.
Say hada sheegayaan Odoyaasha Mucaaradka Muqdisho,waxay diyaariyeen ku dhawaad 30- kun oo Qof oo ka qayb qaadanaya banaanbaxa awood muujinta Mucaaradka.
Dhanka Xasan sida xoguhu sheegayaan 44-ta Isgoys ee amaanka xamar laga waardiyeeyo Ciidamo,ayuu dhigtay.
Sidoo kale 24-kii saac ee udanbeeyay,wuxuu isku dayay in uu shacabka dajiyo,isagoo xataa sheegay in uu 12-kun oo Guri udiyaariyay dadkii uu barakiciyay.
Isku soo wada duuboo Maalinka Berri foog ah,ayaa lakala baxayaa oo dhinac walba burhaantiisa la arki doonaa.
Shirka BC sida hoose uwado ee qorshaysan in uu Xalane ka dhaco ilaa 13-ka Bishan Xasan wuxuu imaan doonaa,isagoo Hawiye Champion ah oo PL& JL ay waxa kala goosanayaan ama isagoo laga adkaaday oo baalasha ka qoyan,isla markaana siyaasadii Hawiye lala leeyahay.
