Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:Maraykanka dan ma ugu jirtaa Canshuuraha Trump soo rogay?
    Somalia

    Faallo:Maraykanka dan ma ugu jirtaa Canshuuraha Trump soo rogay?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 5, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Trump,wuxuu wax walba ka hormariyay danta Maraykanka,haday ahaan lahayd Milleteriga,Dhaqaalaha iyo Siyaasada.

    Dhaqaalaha,wuxuu sameeyay isbadal weyn,wuxuuna badalay nidaamkii soo jireenka ahaa.

    1.Trump,wuxuu kusoo rogay Alaabaha uga yimaada Caalamka Canshuuro aan caadi ahayn.

    2.Canshuuruhu,waxay Maraykanka ukeenayaan Shaqo Abuur,Canshuur door ah iyo xaqiijinta haysashada hogaaminta Dhaqaalaha Caalamka.

    4.Shacabka Maraykanka,waxay u abuurayaan Canshuurahan Shaqo laysku halayn karo,adeeg Bulsho oo sare iyo bixin Canshuur yar.

    5.Shirkaduhu haday rabaan in ay ka badbaadaan Canshuuraha,waa in ay dib ugu soo ceshaan Warshadahooda gudaha Maraykanka.

    6.Shirkadaha,waxaa loo ballan qaaday Sanad taageero ah,Canshuur dhimis iyo xaqiijin Tamarta ay ubaahan yihiin haday soo celiyaan Warshadahooda.

    Maraykanku fursada uu haysto,waa in uu leeyahay Macaamiil fara badan oo Qaniya oo Suuqa Warshadaha caalamku ku tartamayo.

    Sidoo kale,waxa uu haystaa Ilaha Tamarta Caalamka oo uu si jaban kusoo qaato una xaqiiqsan.

    Mida kale, Maraykanku,waa maalgashadaha Shiinaha oo ah Wadanka Warshadaha caalamka ugu badan ku yaalaan,taasoo Shiinaha Dhaqaalihiisa kobcisay ayna ka heshay Dowlada Canshuur una abuurtay Shaqo xoog leh Shacabka Shiinaha.

    Hoos udhaca weyn ee gaaraya 3-Tirilyan ee ku yimid Suuqa Saamiyada Caalamka,waxay qabaan Trump iyo Maamulkiisu in ay filayeen oo ay sababayso Shaqada socota ee ay ku wadaan nidaamka Dhaqaalaha Maraykanka,balse laga doo kaban doono marka Qaliinka socda dhamaado.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    U.S. President Trump Reverts to Tripartite Somalia Policy

    August 9, 2025

    Turkiga oo Puntland ku wareejiyay Laba Diyaaradood oo Hub ah

    August 7, 2025

    Ciidamada PL oo ka faa’iday Internet-ka Starlink

    August 7, 2025
    Latest Posts

    U.S. President Trump Reverts to Tripartite Somalia Policy

    Turkiga oo Puntland ku wareejiyay Laba Diyaaradood oo Hub ah

    Ciidamada PL oo ka faa’iday Internet-ka Starlink

    Maxay ka badali kartaa Beledxaawo Warqada Xamar kasoo baxday

    Ciidamada Difaaca Puntland oo hawlgalo ka fuliyay Buuraha Calmiskaad

    Puntland oo la wareegtay Ciidamadii Yube Ee G.Sanaag

    Faallo:-Itoobiya oo dhabarka ka jabisay Xasan Shiikh

    Shaqaalaha DFS oo aan qaadan Mushahaar Bishan

    Afar Qodob oo Puntland ay ka faa’iday Markabka Hubka

    Dowlada Puntland oo sii daysay Markabkii Hubka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.