Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo lagu ansixiyay arimo muhiim ah
    Somalia

    Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland oo lagu ansixiyay arimo muhiim ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 10, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah akhriska 3-aad ee Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL.

    Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa hadalka siiyey Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Golaha Wakiillada Dawladda oo gacanta ku hayay labada xeer, waxayna Golaha ka soo horjeediyeen warbixinta wax-ka-bedelka xeerarka.

    Intaa kadibna, Goluhu ayaa guda galay qodob-qodob uga doodista & ansixinta labada xeer oo muhiim u ah dalka.

    Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka DPL.

    Xeerarkaan ayaa muhiimad weyn u leh nidaamka Doorashooyinka goleyaasha deegaanka dalka, maamulka Gobollada iyo degmooyinka.

    Dhinaca kalena, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Tartan furan ee iibka dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garoowe kaas oo cabirkiisu yahay 90×30, kadib soo jeedintii Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Dhulkaas ayaa loo iibinayaa si loogu dhiso dhismaha cusub ee Dawladda Hoose Degmadda Garoowe.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.