Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fadhigii Baarlamaanka oo furmay iyo kalsooni u qaadida Rw cusub oo bilaabanaysa
    Somalia

    Fadhigii Baarlamaanka oo furmay iyo kalsooni u qaadida Rw cusub oo bilaabanaysa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 1, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka u jeediyay khudbo uu kaga hadlayay waxa uu doonayo inuu qabto haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka.

    Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrinta abaaraha, shaqa la’aanta, iyo inuu soo dhisidoono xukuumad tayo leh.

    Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in “Xukuumadda ay ku shaqeyndoonto wada shaqeynta shacabka, waxayna la imaandoontaa isla xisaabtan dhab ah”.

    “Waxaa wax ka qaban doonaa, gurmadka abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta cadaaladda iyo garsoorka, dhameystirka dastuurka, xoojinta federaalka, horumarinta dimuquraadiyadda iyo dhameystirka dib u heshiisiinta”, ayuu yiri Kheyre.

    Fadhiga koobaad ee Baarlamaanka oo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka qeybgalayo.

    Madaxweynaha ayaa ka codsaday in baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magacaabay Xasan Cali Kheyre.

    Haddii la siiyo codka kalsoonida, Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre wuxuu billaabayaa inuu soo xulo golihiisa wasiirada.

    Golahaasi wasiirada ayaa markooda waxaa codka kalsoonida u qaadi doono baarlamaanka.

    Dhanka kale, madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta tagaya aqalka baarlamaanka waxaana loo dhaarinayaa kursi aqalka sare ka mid ah.

    Waxaa la xiray qaar ka mid ah jidadka gala aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.