Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fariin ku socota Madaxweyne Deni.WQ.Jibril Qoobey
    Somalia

    Fariin ku socota Madaxweyne Deni.WQ.Jibril Qoobey

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 19, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Fariintayda Madaxweyne Deni?

    Xaalada aad hada ku jirto,waxaa,iyadoo kale soo maray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf rabbi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.

    Cabdullaahi la mid ma timid oo waxuu lahaa astaamo kuwaaga ka fiican,sida….

    1.Geesi.
    2.Deeqsi.
    3.Aftahan
    4.Haybad
    5.Dad wadasho.
    6.Aragti.
    7.Hal adayg
    8.Han

    Laba,ayaad iskaga dhow dihiin hal adayga iyo Hanka.

    Marka MW Deni adoon lahayn 6 Astaamood oo Cabdullaahi lahaa oo usahlay in uu jiiro xaaladii uu wajahay xiligaas,ayay saakay ku haysataa in aad Adiguna jiirto tiiyoo kale.

    Waa Maxamuud Shido oo markale Qandaraas kasoo qaatay Xamar,rabana in uu PL ka dhigto Maamul uu Mashaariicda iyo Canshuurta Dadka ku leexsado.

    Nina kaama badiyo oo 2001-dii, adaa la socday,isla markaana 2019,isagaa Madaxweyne kaa dhigay.

    Lkn fursad uusan helin Cabdullaahi,ayaad haysataa,taasoo ah….

    B.Dadkii reer PL 90% adoon kasban,ka shaqayn,ayay kugu garab taagan yihiin oo u arkaan shaqada aad hayso mid masiiriya,kaana Shinsanayaan Dowladnimo.

    Sidoo kale Bulshada PL,waxay kugu wadataa Dabeecado aan hogaamiye lagula socon karin…

    B.Qalafsanaan xad dhaaf ah.
    T.Xir xir naan xad dhaaf ah.
    J.Isla weyni iyo ixtiraam yari.
    X.Danaysi iyo Abaal la’aan.

    Mucaaradka wax kugu haysta,waa ka jilicsan yihiin kuwii Cabdullaahi wax ku haystay oo Dadku ma rabaan kamana dhex arkaan mustaqbalkooda.

    Diyaaradaas PL ee aad Pilot-ka tahay ha qalibin,hadaadan ka adkaan karin Labada Nin ee wax kugu haysta,waa Maxamuud Shido iyo Xasan Shire ee tanaasul.

    Hadaad berri dabcayso,iyadoo Dhimasho iyo foolxumo timid oo Dowladnimada bahdilayso hadeer Kubada Dhulka dhig.

    Waxa loolamaya waa Dowladnimada PL iyo Gaangiistaro ku gabanaya magaca Beelaysiga,markay halkaas maraysana,waxaa loo hiilinayaa Dowladnimada.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.