Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAREEDA EE GOBOLKA RAASI-CASAYR.
    Somalia

    FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAREEDA EE GOBOLKA RAASI-CASAYR.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 12, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bareeda, September 12, 2023: Wasiiru-dowlahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-Casayr.

    Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Bareeda ee Gobolka Raasi-Casayr waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Raasi-Casayr, Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Raasi-Casayr, hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

    Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

    Wasiiru-dowlahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Bareeda ee la doortay.

    Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.