Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BUURTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.
    Somalia

    FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BUURTINLE EE GOBOLKA NUGAAL.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 23, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Buurtinle, October 23, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa ayaa dhisay Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

    Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ka soo qaybgalay, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/S Maxamed Cali Marduuf, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Nugaal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane, La taliyaha Madaxweynaha Cabdirisaaq Mire Xasan (Gaawiido), iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Mudug Cabdifaax Samatar Ciise, Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Masuuliyiin iyo waxgaradka, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee Degmada Bu ee Gobolka Nugaal.

    Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2aad.

    Sidoo lale, Wasiirka ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal waxaa ku guulaystay Mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereeye), oo ka soo baxay Xisbiga Sincad. sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka waxaa ku guulaystay Cabdidaahir Jaamac Maxamed oo ka soo baxay Xisbiga Kaah.

    Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.