Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA DHUDHUB EE GOBOLKA KARKAAR.
    Somalia

    FARIISINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA DHUDHUB EE GOBOLKA KARKAAR.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhudhub, September 17, 2023: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa daahfuray Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar.

    Madasha xasaanadsiinta Golaha Deegaanka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Cabdi Siciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar G/se Xuseen Cali Maxamuud, Nabaddoono, Haween, Dhalinyaro, Waxgarad Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka Dowladda Puntland.

    Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Maxamed Cali Faarax Farmayeeri ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Dhudhub ee Gobolka Karkaar ee ku yimi habka is bahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Puntland sida uu qabo qodobka 29aad farqaddiisa 2aad.

    Sidoo lale, Agaasimaha ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Dhudhub ee la doortay, kuwaas oo maanta yeeshay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeenka hogaamin doona 5-ta sano ee soosocota.

    Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    September 26, 2025

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    September 26, 2025

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Banaanbixii Muqdisho Ee Sabtida oo la baajiyay

    Ciidamada PL oo Ceelal hor leh ka sifeeyay argagixisada

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.