Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo oo ganafka ku dhuftay warkii kasoo baxay Shirkii Xamar
    Somalia

    Farmaajo oo ganafka ku dhuftay warkii kasoo baxay Shirkii Xamar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 19, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

    Madaxweyne hore Farmaajo ayaa qoraalkiisa kaga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya shirka iyo xaaladda guud ee dalka waxaana uu u qornaa sidan:-

    Qodobbada ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran waxay sii kordhinayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna dhaawac weyn ku yihiin geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka.

    1. Maqnaanshaha Dowlad-goboleedka Puntland:

    Puntland in ay wali ka maqan tahay Golaha Wadatashiga waxay muujinaysaa kalsooni darrada wali ka taagan Golaha iyo in Madaxtooyadu ay qaadatay go’aan ka dhan ah Federaaleynta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyada oo iska indho-tiraysa tabashada Dowlad-goboleedyada, siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha.

    2. Laalidda Dastuurkii la isku waafaqsanaa:

    Laalidda dastuurkii la isku raacsanaa ayaa sababtay in ay lunto sharciyaddii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda. Waxaa laga filayey shirku in uu dib ugu laabto hannaankii dastuuriga ahaa ee la isku waafaqsanaa, waana nasiib darro in wali hoggaanka dalku ay sii wadaan qorsheyaal gurracan oo ka turjumaya danahooda gaarka ah, kuwaas oo uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee dalka, wiiqayana dowladnimada iyo sharciyadda Hay’adaha Federaalka.

    3. Hor-istaagga Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada:

    In laga hor-istaago dowlad goboleedyada doorashada, iyada oo waqtigii loo muddeeyey uu dhammaaday waa afduub siyaasadeed oo khatar gelinaya hannaanka iyo xasiloonida dalka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Madaxweynaha oo ahaa ilaaliyaha dastuurka KMG ah, in uu ku dhiiri galiyo in dawlad goboleedyadu ku shaqeeyaan maandhayd iyo sharciyad la’aan, waxay dalka ku hagaysaa mugdi iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

    4. Heshiisyada Hore ee aan Dastuuriga ahayn:

    Waxaa la yaab ah in heshiisyadii hore oo aan dastuuriga ahayn ee fashilmay wali lagu baaqayo in la fuliyo, taas oo ka dhigan in xaqiiqada la iska indho tirayo.

    5. Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod:

    Waxaan si adag uga digaynaa hannaanka doorasho ee aan la isku waafaqsanayn ee ka soo baxay shirka aan loo dhammayn ee Golaha Wadatashiga Qaran. Nidaamka doorashada ee Madaxweynuhu uu ku hawlanyahay waxa uu caddaynayaa danihiisa gurracan ee sii kala fogeynaya shacabka Soomaaliyeed, waxaana muuqata in hannaankii doorashada laga leexinayo habraacii saxda ahaa ee ay ku qabsoomi lahaayeen doorashooyin daah-furan oo lagu wada kalsoonaan karo.

    Dhammaan siyaasiyiinta daneeya doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynaynaa in ay u midoobaan sidii dalka loogu soo celin lahaa sharciyadii iyo wada shaqeyntii hay’adaha dowladda, loogana hortagi lahaa caqabadda ku soo food leh dowladnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed.

     

    Madaxweyne Farmaajo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.