Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo xilkii si haybad leh ayaa loogu wareejiyay looba jooge waxuu la shir yimaado afar sano kadib!!!
    Somalia

    Farmaajo xilkii si haybad leh ayaa loogu wareejiyay looba jooge waxuu la shir yimaado afar sano kadib!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2017Updated:February 16, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maanta waxaa si rasmiya xilka Madaxtooyada loogu wareejiyay Madaxweyne Farmaajo.

    Xil wareejintan ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya,waxaana goob joog ka ahaa madaxda Qaranka oo idil,qaybaha Bulshada Somaliyed iyo marti sharaf kale.

     

     

    Hadaba xil wareejintii maanta sidee u dhacday muuqaal sidee ah ayayse ka gudbisay Somaliya.

    Madaxweyne Xasan Shiikh waxuu si karaamo leh ugu soo dhaweeyay Madaxweyne farmaajo Qasriga,kadib waxay si wadajir ah ugu dhaqaaqeen oo ugada galeen hawshii xil wareejinta,

     

     

    Madaxweyne Xasan waxuu ku wareejiyay ugu horyan Madaxweyne Faraamo hantida Qaranka ee markaas taalay Madaxtooyada oo ay qayb ka ahaayeen hadyadaha qaaliga ah ee Magaca Qaranka Somaliyed lagu siiyay isaga iyo madaxdii kale ee ka horaysay.

    Intaas kadib Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne farmaajo waxay si wadajir ah usoo galeen Xaafiiska looga arimiyo Qaranka ,halkaas oo Madaxweyne farmaajo si rasmiya loogu tiriyay xilkiisii oo ugu horeeyo File-kii Qaranka iyo Calanka Jamhuuriyada.

     

     

    Intaas kabacdi waxay usoo dhaqaaqeen dhanka barxada Madaxtooyada oo ahayd goob lagu diyaariyay Ciidankii baanbayda Qaranka ee Salaan sharaf-ta loo yaqaan.

    Goobtaas ayaa waxaa ka dhacay wax cajiib ah oo aad u qurxoon oo muujiyay maqaab sare iyo burhaantii Qaranimada Soomaaliya oo dib usoo bidhaantay,muuqaal wadaniga dhiirigalisay dib u socodkana niyad jabisay ,cadawgana quus iyo wal wal ku abuurtay.

     

     

    Hadaba Shacaboow burhaantii maanta muuqatay iyo karaamadii ka dhacday Madaxtooyada muqdisho ee Soomaliya ku diirsatay yaa iska lahaa amaanteeda oo loo nisbayn karaa mahadnaqna loogu dari karaa:-

    Waxaan qabaa kow waxaa iska lahaa madaxweynaha hada talada haya ee Xasan Shiikh oo isagu soo diyaariyay,sidoo kale si ilbaxnimo iyo Dimuqraadiyad leh ugu hanbalyeeyay Madaxweyanaha cusub xilkana ugu tiriyay.

     

     

    Amaanta labaad waxaa iska leh Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee qaybtiisa kasoo qaatay in maanta heerkan ay gaarto Villa Somaliya,sidaanoo kalena ugu soo tiriyay xilka iyo hantida Qaran madaxweyne Xasan, waa madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

     

     

    Amaanta sadexaad oo waliba salka hoose ah guud ahaan amaanahan iyo bogaadimahana asalkeeda ah waxaa iska leh Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed rabi ha unaaxriistee,

    Madaxweyne Cabdullaahi waxuu wakhtigiisa,awoodiisa ,kartidiisa galiyay in mar dib loo fariisiyo Qaranimadii Somaliyed Villa Somaliya siday rabto haku timaadee,taasna waa ku guulaystay oo dawladnimada maanta taal xamar isagaa dib u keenay oo waliba fariisiyay.

     

     

    Madaxweyne Cabdulaahi duco kuma keenin kumana gaarin guushaas ee waxuu u haray wax tira badan oo ay ka mid ahaayeen :-

    B.Dhiig,

    T.Dhaqaale

    J.Juhdi.

    Waxaa madaxtooyada gudaheeda ku aasan 35-wiil oo Somaliyed maydkoodana la awoodi waayay in lagu aaso qabuurayaasha duruufaha difaaca qaranka ee markaas jiray awgood,

    Wiilashaas naftooda u huray dib u dhalinta Qaran Soomaaliyeed rabi ha uwada naxariistee kan ugu shisheeya madaxweyne Cabdullaahi waxay kala tirsan jireen afar oday,sidoo kale waxaa lixaad koodii ku beelay dib u fariiisinta Qaranimadaas Boqolaal iskugu jira Rag iyo Dumar Somaliyed,gaar ahaan Beesha Madaxweyne Cabdullaahi kasoo jeedo ah,

     

     

    Waxaa dhaqaalahoodii ku waayay Ganacasato badan oo Ehelka Madaxweyne Cabdulaahi ahaa oo ilaa maanta aan xataa caymo celin dib uhelin.

     

     

    Isku soo wada duuboo dadka qaylinaya ee facebook muranka lasoo taagan oo aad moodo in ay shalay dhasheen waxaan leenahay taariikhda dib u raaca oo hadaad ogtihiina xaqiraada ka daaya hadiinan waxba la socona wax ogaada.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo waa la doortay nasiibkaana siiyay guushaas aan sugno waxuu la yimaado oo haduu rabi gaarsiiyo afar sano kadib aan wada dhawrno waxuu wareejiyo iyo maqaabka uu wax ku wareejiyo

    Inkastoo aanan anigu shaqsiyan rajo badan ka qabin in farmaajo guul soo hoyn doono kana dharagsanahay hogaamintiisa hadana waxaan leeyahay looba jooge waxuu la shir yimaado afar sano kadib.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.