Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farta Cismaaniyadu saw lama oran karo waa Farta Umadda Somaliyed ??
    Somalia

    Farta Cismaaniyadu saw lama oran karo waa Farta Umadda Somaliyed ??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 15, 2023Updated:January 15, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    The Society for the Somali Language and Literature “

    Far Soomaali :-

    Cismaan Yuusuf intuusan fartaan soo saarin, xuruufta carabiga ayuu isku deyey inuu afkeenna ku qoro.

    Arrinkaas waxaa horey isugu deyey Shiikh Aweys iyo Maxamed Cabdille Xassan.

    Xuuruufta Carabigu macquul ma noqon. Wuxuu isku deyey xuruufta latinka, iyana macquul ma noqon.

    1920 ayuu fartaan soo jeediyey in afka soomaaliga lagu qoro.
    1925 Talyaaniga ayaa qabsaday saldanadii Hobyo.

    Mas’uuliyiintii Hobyo oo dhan Xamar ayaa lagu xiray.

    Talyaanigu il gaar ah ayuu ku hayey Cismaan. Markii danbena xabsiga ayuu dhigay oo khatar ayuu u arkay.

    Fartana waddanka waa ka mamnuucay (Mamnuucii kowaad).

    1943 waddanka oo dhan waxaa haystay oo ku adkaaday Ingiriiska, oo Talyaanigii waa la qabsaday 1941.

    Talyaaniga degganaa Soomaaliya waxay hoos joogeen Ingiriiska.

    Ingiriisku waa fasaxay farta, in farta la barto.

    1940 – 1950 Ingiriiska ayaa haystay Somalia .
    SY: waxaa la aasaasay 1943. Dadka ayay bari jireen dhallinyaradu waana ku shaqaysan jireen.

    Qodobka afraad ee xeerka SYL: wuxuu ahaa in Far Soomaaliga la barto laguna shaqeeyo sidaas ayay ku hirgeshay waagaas.

    FAR SOOMAALI: Waa Farta magaceeda.
    Xuruuft: wuxuu u baxshay Shibbane iyo fure, waa 21 shibbane, 20 fure.

    Koore: waa 10 ka mid ah furayaasha oo waa kuwa dhibcuhu saaran yihiin.

    Leeddo: waa 10 ka kale aan dhibcahu saarnayn.

    Daakhilkii: Siyaasaddii Talyaaniga ee 1950 ilaa 1960 ayaa dagaal ku qaaday farta.

    Cismaaniya: ayaa naynaas looga dhigay, iyagoo dadka u tusaya inay tahay far reer lee yihiin. Arrinkaas dadka qaar ayaa fahamsanaa khiyaanada Talyaaniga, qaarna run bay u qaateen oo kuma aysan koon Cismaan oo Odayga magaciisa ah ee waxay la aadeen qabyaalad.

    Niman badan,ayaa ka hadlay arrintaas sida David Latin, Mario Morino iyo I.M. Lewis iyo kuwo kale.

    Scott: oo qoray buugga Beginning Somali History wuxuu sheegay, in Cismaan khatar yahay oo looga baqayey inuu soomaalida mideeyo, marka waa in dacaayad lagu furaa arrinta qabiil loo tusaa soomaalida iyo in loo tuso soomaalida Cismaan inuu carabiga ka cararayo.

    Waa taariikhda farta oo aad u kooban.

    Mahadsanid

    Yuusuf Nuur Cismaan

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.