Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FBI-da Maraykanka oo burburisay Shabakad ka jirta dhanka Intarnedka oo baad qaadata
    Somalia

    FBI-da Maraykanka oo burburisay Shabakad ka jirta dhanka Intarnedka oo baad qaadata

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanka ayaa tallaabo adag ka qaaday shabakad caalami ah oo ka dhisan dhinaca internetka, taas oo lacag ka badan $100 milyan oo dollar oo madaxfurasho iyo baad ah ka qaadatay boqollaal qof oo dhibbane ah oo ku kala nool daafaha caalamka.

    Sida ay sheegtay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanku, hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI ayaa muddo bilo ah ku dhex jirtay shabakaddan.

    Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in shabakaddan oo la magac baxday Hive ay bartilmaameedsatay in ka badan 1,500 oo dhibbanayaal ah, oo ay ku jiraan cusbitaallo, iskuulo iyo shirkadaha dhaqaalaha oo ku kala yaalla in ka badan 80 waddan. Saraakiisha ayaa sheegay in qofkii ugu dambeeyey ee ay bartilmaameedsadaan inuu ku noolaa gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

    Saraakiisha FBI oo haystay amar maxkamadeed ayay u suuro gashay inay gudaha u galaan computer-ada shirkaddan bishii July ee sannadkii 2022, iyaga oo si qarsoodi ah u qabsaday furayaashii sirta ahaa ee lagu qarinayey macluumaadka.

    Hawlgalkan dhinaca Internetka ah ee lagu beegsanayey shabakaddan ayay iska kaashadeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, Jarmalka iyo Holland.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.