Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FBI-DA Mareykanka oo xirtay Basaas Itoobiyaan ah
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    FBI-DA Mareykanka oo xirtay Basaas Itoobiyaan ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 22, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qandaraasle kasoo shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu yahay Itoobiya.

    Abraham Teklu Lemma, oo ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda.

    Dacwad dambiyeedka ka dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah.

    Bayaanka ay ku sheegtay xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku sheegay Itoobiya.

    Sida ku xusan dukumenti uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga caasimadda Washington DC.

    Lemma ayaa akhbaar sir culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey “sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,” isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.

    Xogta ayaa waxaa ku jiray dukumentiyo, sawirro, qariidado iyo qoraallo xiriir la leh “Dalka ay quseyso.”

    Dokumentiga FBI-da ayaa soo xigtay farriimo la is-dhaafsaday September 2022, kuwaasi oo sarkaal ajnabi ah uu Lemma ku yiri “Waa xilligii aad sii wadi laheyd taageeradaada,” taasi oo Lemma uu kaga jawaabay inuu yiri “waan fahmay.”

    “Xiriirada Lemma uu la sameeyay sarkaalka ajnabiga ah…waxaa ka mid ahaa in laga wada hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Jabhad ku lug laheyd dagaal hubaysan oo ka dhan ah dowladda dalka ay khuseyso,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la rumeysan yahay in loola jeedo dagaalkii Tigray.

    Marka laga soo tago ka shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lemma, oo haystay ogolaanshaha inuu ogaan karo sirta culus tan iyo 2020, waxa kale oo uu fallanqeeye maamulka qandaraasyada kasoo noqday Waaxda Caddaaladda.

    Itoobiya ayaa ah dal si weyn u hela gargaarka Mareykanka, waxaana bishii March halkaas booqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken.

    Lemma waxaa lagu soo oogay laba dacwadood oo basaasnimo ah iyo mid ah inuu si sharci darro ah u haystay macluumaadka difaaca qaranka.

    Eedeymaha basaasnimada ayaa lagu muteysan karaa xukun dil ah, halka eedda haynta macluumaadka uu ku muteysan karo ugu badnaan 10 sano ah oo xabsi ah.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.