Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»FOA oo warbixin kasoo saartay waxyeelada Ayaxu u geystay Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    FOA oo warbixin kasoo saartay waxyeelada Ayaxu u geystay Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Cuntada iyo beeraha adduunka ee FOA ayaa sheegtay in Ayaxa uu burburiyey 70,000 oo hiktar oo ah dhul beereed ku yaalla Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana Hay’adda ku tilmaantay duulaankii ugu waynaa ee Ayaxaasi ku soo qaado geeska Afrika muddo 70 sano ah.

    Ayaxa ayaa waxyeello ba’an u geystay dhul ballaaran oo isugu jira dhul beereed iyo dhul ay xooluhu daaqaan.

    Ayaxa oo raxan-raxan u socday ayaa gebi ahaanba dhulkii uu ku degay u bedelay dhul u eg lama degaan aan weligiis roob ku di’in, arrintaas ayaa saameyn ku yeelatay beeralay iyo xoolo dhaqato badan.

    Dhanka kale, War-saxaafadeedka kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya ay soo iibsatay 3,000 oo litar oo kiimiko ah, si ay ugu buufiso hawada, Iyadoo sidoo kalena u qaybin doonto dadka deegaanka gobolada laga cabsida qabo in Ayaxu waxyeeleeyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.