Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»France:-Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magaalada Paris lagu qabtay
    Somalia

    France:-Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magaalada Paris lagu qabtay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 12, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    France-Paris : Xaflad lagu taageeraayo madaxda Cusub ee Somaliya oo magalada Paris lagu qabta.

    Waxaa xaflad aad iyo aad loo soo agaasimay oo halku dhig looga dhigay “TAAGERO ISBADEL IYO TAKULEEN DAD” lagu qabtay magaalada Paris ee Caasimada Dalka France.

    Xafladaan ayaa aheyd mid si gooni ah taageero logu mujinaayay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheere, waxaana soo agaasimay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France.

    Dadweynihii xaflada ka soo qeybgalay ayaa isugu jiray Culumaa’udiin, Siyaasiyiin, Ganacsato, Haween, Fanaaniin, Arday iyo Dhalinyaro kuwaas oo dhamaan kawada tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka France.

    Gen. Gaani Maxamud Xaaji oo ka mid ah wax garadka Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka France magaalada Paris horayna uga tirsanaan jiray mudo fog Ciidanka Police-ka soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay wayihii wanaagsanaa ee dalku uu soo maray iyo Rajada Isbadelka cusub ee hada dhashay laga qabo.

    Sido kale waxa goobta ka hadashay Marwo Ubax oo fariin dhiri galin ah u dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Khayre ayadoo ka codsatay in ay horseed ka noqdaan sidii Dalka iyo Dadka looga samata bixinlahaa xaalada adag ee uu wakhtigaan ku jiro Isbadelka dhacayna u noqon lahaa mid lagu diirsado oo mira dhal noqda.

    Ugu danbeentii waxa xiritaankii xaflada ka hadlay Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France Khadar Maxamud Xasan “Ciro” oo sheegay in ay garab tagan yihiin Dhamaan Jaaliyada Madaxda cusub ee la doortay, waxa kale oo uu aad ugu dheeraday ka qeyb qaadashada Gurmadka Qaran ee loo fidinaayo dadka abaarha ku dhibateesan iyo sida ay uga qeybqadan lahayeen takuleeyntooda Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka France.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.