Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fursadii ugu danbaysay Ee heshiis ay ku gaari karaan Israa’iil iyo Xamaas?
    Somalia

    Fursadii ugu danbaysay Ee heshiis ay ku gaari karaan Israa’iil iyo Xamaas?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 19, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wadahadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha kala duwan.

    “Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara” ayuu yidhi xoghaye Blinken.

    Blinken ayaa Isniintii la kulmay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant gelinka dambe ee maanta.

    Waa safarkii 9-aad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii ay colaaddu billaabatay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. Wada-xaajoodyo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar usbuucii hore si ay u soo saaraan nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska, waxaana la filayaa in wada-hadallada dib looga bilaabo magaalada Qaahira dabayaaqada usbuucan.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.