Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 31 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir loo magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.