Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaalkacyo: Taliyihii Sirdoonka Puntland ee Gobalka Mudug oo la dilay
    Somalia

    Gaalkacyo: Taliyihii Sirdoonka Puntland ee Gobalka Mudug oo la dilay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019Updated:November 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Dowladda Puntland Xaashi Aadan Cilmi, ayaa caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

    Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay Aaga Jiiro Kuwait oo ku dhow Guriga Gobalka, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Koox ku hubeysan Bistoolado oo aan la garanayay Heybtooda.

    Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa gaaray Goobta uu dilku ka dhacay, waxaana haatan socda Howlgallo lagu baadi doonayo Kooxdii dilka Taliyaha ka dambeysay.

    Taliyahaan la dilay ayaa  30-kii julay ee sanadkii 2016 madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas uu u magacaabay Taliyaha nabad sugida Gobolka Mudug.

    Dilka Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Todobaadyadii ugu dambeeyay ay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ka dhacayeen dilal qorsheysan oo lagu beegsanayo Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Dowladda.

    Dhowaan ayayna aheyd Magaalada Gaalkacyo lagu dilay Madaxii Kastamyada Gobalka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Taliyihii Ciidanka Ilaalada Waddooyinka (Taraafikada) ee Gobalka Mudug.

    Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.