Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaalkacyo: Xukun dil ah oo lagu riday mid kamid ah raggii weeraray Xarunta Cabdiweli Sheekh Cali+VIDEO
    Somalia

    Gaalkacyo: Xukun dil ah oo lagu riday mid kamid ah raggii weeraray Xarunta Cabdiweli Sheekh Cali+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin loo heysto weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare.

    Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyaย  Xasan Cali Nuur SHuute oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi Cali Aadan.

    https://www.facebook.com/Garsoor/videos/426211178062341/

    Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro iyo dilal loo geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

    Weerarka Xarunta Candiwali Cali Cilmi Yare ayaa waxaa uu dhacay 26-kii November 2018, waxaana AL-shabaab oo weerarkaas sheegatay masโ€™uuliyaddiisa ku doodday in C/Wali Cali Cilmi yare uu nabinimo sheegtay inkastoo Shiikhana uu arrintaas beeniyey mar uu wareysi siiyey Idaacadda BBC ka hor dhimashadiisa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.