Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gabadh Qaayo Weyn.WQ.Cabdinaasir Biixi Soofe
    Somalia

    Gabadh Qaayo Weyn.WQ.Cabdinaasir Biixi Soofe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gabadh Qaayo Weyn

    Gabadh qaayo weynoo

    Geenyo ugub la moodoo

    Garashiyo aqoon iyo

    Gobannimo u dhalatoo

    Qurux Guulle siiyoo

    Xishood lagu galladayoo

    Reerkoodu gaan yahay

    Oomasoore guban iyo

    Gaajiyo harraad arag.

    Geesiyaal walaalo ah

    Garbaheeda joogaan,

    Gardarrada ma qaatee

    Haddii uu dagaal galo

    Aabbaheedna gaas iyo

    Soo kiciyo geesh adag.

    Sidii waxaan la gooyn karin

    Geel iyo gammaan faras

    Gawaarida is-jiidiyo

    Dahab loogu ardaa galo

    Giiryaale fuley iyo

    Gaandhadiyo ragaaskuna

    Isha inuu ku gaadoo

    Guudka sare ka eegtiyo

    Gaaggaatan mooyee

    Xeradaba aan soo gelin.

    Gablantooy adduunyada

    Waa guri belaayoo

    Dagaal lagu gumaadmiyo

    Cudur aan la garanayn

    ’Gam!’ ka siiyey gacalkeed

    Aakhira u guureen.

    Iyadoo garayskii

    Ku giirgiirmay oogada

    Garbasaarta sare iyo

    Go’na aanan lagu arag

    Maxaa Guufan-guufaa

    Markay gaankaa marayso

    Indhuhuun gembiyi jirey,

    Giirka iska kiciyoo

    Hadba garab istaagoo;

    ”Ma ku guursadaa?” yidhi,

    ”Mise gaabsigaa roon?”

    Afku intuu jawaab gabay

    Ilmaduna ka gabax tidhi,

    Geesta isu buustoo

    Soo gocotay waa hore;

    ”Allow muu guyaal tegey

    Garaadkii i dhalay iyo

    Gayfane adeerkey

    Iyo gobannimadoodii

    Ama gaarhayoo nool

    Afka ila soo galo,

    Maxaa geeso dhiig liyo

    Gawsahoo la jebiyiyo

    Gaagtira ka dhici laa.”

    Cabdinaasir Biixi Soofe

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.