Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garoowe: Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo maalintii labaad socda
    Somalia

    Garoowe: Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland oo maalintii labaad socda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020Updated:January 22, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirweynaha 5-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, ayaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Shirkan oo ah mid sanadle ah oo hal kudhigiisuna sanadkan yahay (Baahinta Waxbarasho Tayeysan oo loo Dhanyahay), ayaa waxaa Talaadadii furay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), waxaana Puntland kala qeybgalay Wasiirada Waxbarashada ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, xubno sare oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland iyo Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland kala shaqeeya dhanka Waxbarashada.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo ka hadlayay shalay furitaanka Shirweynahan ayaa sheegay inay qorsheynayaan in sanadaha soo socda ay Waxbarasho tayo leh gaarsiiyaan guri walba iyo geed walba oo ku yaalla Degaanada Puntland.

    https://youtu.be/bCtiNIBH6Rc

    Shirweynahan oo lagu waddo in maanta lasoo gaba-gabeeyo ayaa laga soo saari doonaa qodobo ku aadan heerka Waxbarashada Puntland, caqabadaha jira iyo Hiigsiga Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee sanadaha soo socda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.