GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qurโaanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha.
Wasaaradda ayaa macallimiinta Qurโaanka ku wargelisay , in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qurโaanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin.
Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qurโaanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido maroorsan ku faafinayan degaannada Puntland.
IDIL NEWS
