Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garowe oo kaalinta 1-aad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.
    Somalia

    Garowe oo kaalinta 1-aad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 25, 2019Updated:May 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka oo sannad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto dhammaan gobollada Puntland.

    Tartanka xifdinta 30-ka jus ee Qur’aanka kariimka ah oo Sabtida maanta ku soo xirmay masjidka Al-huda ee caasimadda Garoowe ayaa waxaa kaalinta kowaad ku guulaystay Maxamed Faysal Maxamuud oo ka socday dugsiga Qur’aanka Al-Aqsaa ee Garoowe waxaana abaal-marin loo siiyay gaari nooca NOAH.

    Kaalinta labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Bashiir Maxamed oo ka socday dugsiga Qur’aanka Daarul-Quraa ee magaalada Boosaaso oo isna abaal-marin loo siiyay $1000 Dollar oo lacag ah halka kaalinta saddexaad uu galay Cabdisalaan Xassan Maxamed oo ka socday Daarul-Hudaa ee Qardho isagoo lagu abaal-mariyay $700 Dollar oo lacag ah.

    Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo tartanka soo xiray ayaa abaal-marinnada ay mutaysteen guddoonsiiyay ardaydaasi kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka gobollada Puntland.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.