Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Germany: Nin dilay 6 Ruux oo ay ku jiraan Labadiisa waalid
    Somalia

    Germany: Nin dilay 6 Ruux oo ay ku jiraan Labadiisa waalid

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 25, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin ayaa waxa uu toogtay lix qof oo ka tirsan qoyskiisa oo ay ku jiraan labadiisa waalid. Toogashada ayaa waxay ka dhacaday magaalada Rot am See oo ku taalla koonfur-galbeed Jarmalka sidaasi waxaa sheegay booliska deegaankaasi.

    26 jirkan ayaa adeegyada gargaarka deg-deg ah u yeeray xilliga qadaha isagoona u sheegay inuu maqaaxida ku dhex-toogtay dhowr qof. Ninkan oo ay haystay qori sharciyeysan ayaa la xiray.

    Waxaana meeydadka oo ka koobnaa 3 rag ah iyo 3 dumar ah laga helay gudaha maqaaxida waxayna da’doodu u dhaxeeysay 36 ilaa 69 sano jir, sida ay sheegeen booliska gobolka Baden-Württemberg.

    Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay laba qof oo kale oo isla qoyska ka tirsan kuwaasi oo uu mid ka mid ah dhaawciisu halis yahay.

    Ninka toogashada geystay ayay sidoo kale boolisku sheegeen inuu u hanjabay labo dhalin yaro ah oo ka tirsan qoyskiisa balse wiilashu haatan wey bad-qabaan. Waxaana la aaminsan yahay in toogashada ay la xiriirto khilaaf qoys.

    Booliska ayaa haatan ku hawlan iney ogaadaan sababta dhabta ay ka dambeysa toogashada, mana cadda in qof-kale uu ku lug-lahaa toogashdaasi.

    Toogahada ayaa waxay dhacday abaare 12:45 xilliga deegaankaasi, waxayna ka dhacday aagga Bahnhofstrasse gaar ahaan maqaaxida Deutscher Kaiser. Rot am See waa magaalo yar oo ay ku nool-yihiin 5,000 oo qof.

    Isha: BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.