Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha amaanka oo walaac xoog leh ka muujiyay hab dhaqanka Dowlada Fadaraalka
    Somalia

    Golaha amaanka oo walaac xoog leh ka muujiyay hab dhaqanka Dowlada Fadaraalka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Sabtidii muujiyay sida ay uga xun yihiin ceyrintii Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Hayso, iyagoo intaa ku daray inay rajeynayaan in wadashaqeyn buuxda ay dhex marto Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya.

    War saxaafadeed ay si aqbaliyad ah isugu raaceen Golaha ayaa ku muujiyay walaacooda, kaddib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey aqbalay inuu soo magacaabo Ergey cusub, si uu ugu bedelo ergaygii loo jaray ruqsada ah shaqsi aan laga rabin dalka (Persona Non Grata).

    War saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa ahaa qaraar ay soo diyaarisay Britain, kaasoo walaac looga muujinayay goโ€™aanka dowladda Soomaaliya, laguna caddeynayay taageeradeeda Howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

    Golaha Ammaanka ayaa tan iyo jimcihii lahaa kulamo gaar gaar ah oo albaabada u xirnaa, hase ahaa Shiinaha ayaa ka codsaday in waqti la siiyo oo looga fikiro goโ€™aanka Qaramada Midoobey, waxaana ay soo jeediyeen wax ka bedelka qoraalka iyo in la tixgeliyo madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya.

    Golaha ayaa war saxaafadeedkiisa ku sheegay in sanadka 2019 uu yahay sanad muhiim u ah Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen Hoggaamiyeyaasha inay si wadajir uga shaqeeyaan sidii horumar looga gaari lahaa dib u habeynta siyaasadda iyo ammaanka.

    Xasarad Diblamaasiyadeed ayaa ka dhalatay goโ€™aanka Dowladda Soomaaliya ay dalka uga cayrisay Wakiilkii QM Nicholas Haysom oo ku xad gudubay Madaxbananida Dalka, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.