Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA CARMO EE GOBOLKA BARI OO LA DHAARIYAY
    Somalia

    GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA CARMO EE GOBOLKA BARI OO LA DHAARIYAY

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 19, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    CARMO, September 19, 2023: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mohammed Mosadak Saadeq ayaa daahfurey fariisinta iyo dhaarinta Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

    Madasha dhaarinta xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Carmo waxaa qayb ka ahaa Guddomiyaha Gobolka Bari Mudane Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon), Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo Dibu-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Haweenka.

    Golahaan oo ah golihii ugu horreeyey ee ay dadku toos u soo doortaan ayaa maanta xilka loo dhaariyey, Golaha Deegaanka Degmada Carmo ee Gobolka Bari ayaa waxaa isla dhistay Xisbiyada Kaah iyo Mustaqbal.

    Waa tillaabo horey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25-kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

    Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

    Dhammaad

    Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.