Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyad kmg ah
    Somalia

    Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Miisaaniyad kmg ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, January 29, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee Dawladda ku shaqeyn doonto muddo 6 bilood ah taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay, kadib codsi Madaxweyne oo ku saabsanaa ansixinta Miisaaniyad KMG ah ee bilaha January – June, 2024 laguna sii dhaqmo Miisaaniyad Sannadeedkii 2023.

    Miisaaniyada KMG ayaa ku saleysan Miisaaniyadii hore ee sannadkii 2023, taas oo aheyd $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar)

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda KMG ah ee bilaha January – June, 2024, si waafaqsan Qodobka 135-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

    Wasiirka ayaa ku sheegay ku talo-galka dhakhliga gudaha ahaa $97,212,528 dollar oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dollar dhakhligaan oo ku xaroonaya13 madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

    Miisaaniyaddii 2023 waxay ka koobnayd dhakhli ku qoondeysnaa khasnada Dawladda ( On Budget) iyo dhakhli ka baxsan khasnad Dawladda ( Off Budget)

    Miisaaniyadii 2023dii waxaa ku jiray filasho kab miisaaniyadeed oo dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondeysnaa $1,856,286, waxaa sidoo kale ku jiray Miisaaniyadda filasho dhakhli ee mashaariicda horumarinta Bangiga Adduunka iyo JPLG oo wadar ahaan dhan $26,239,246 sannadkii.

    Sida Wasiirka Maaliyadda ku sheegay Warbixintiisa dakhliga ka baxsan khasnadda Dawladda oo ka kala imaanayey Dawladaha hoose iyo mashaariicda hay’adaha Qaramada midoobey ayaa wadar ahaan dhan $230,972,619 halka ku talo-galka kharashka gudaha ee sannadka 2023 wadar ahaan dhammaa $119,487,960 dollar bishii ku qooneysnaa $9,957,330 taas oo Xildhibaanadii hore Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku sameeyay akhriskii 2aad.

    Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 56 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 54 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 1 , sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyada KMG ah ee Bilaha January – June, 2024

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.