Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Xeerka Cashuuraha Berriga
    Somalia

    Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Xeerka Cashuuraha Berriga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, November 14, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 9-aad ee Kal-fadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Fadhiga maanta Ajandihiisa oo ahaa ka doodista Xeerka Cashuuraha Berriga oo Goluhu maalintii 2-aad akhriska 3-aad ku samaynayo, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 3-aad farqadiisa 1-aad ee iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisbaadka Golaha Wakiillada uu gacanta ku hayey xeerka ayna kulamo latashi kala yeesheen hay’adaha uu khuseeyo Xeerku.

    Dood iyo falanqeyn dheer kadib xildhibannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey Xeerka Cashuuraha Berriga oo muhiimad gaar ah u leh qaabka dakhli kobcinta, uruurinta cashuuraha iyo dhakhliga Dawladda Puntland, si dawladda u bixiso adeegayada ay shacabka u hayso. Guntanka fadhiga oo ahaa (37) Mudane, waxaa ugu codeeyey oggol (30) Mudane, diidmo (2) Mudane, halka ay ka aamuseen (5) Mudane.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.