Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada cusub Ee Puntland oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay
    Somalia

    Golaha Wasiirada cusub Ee Puntland oo yeeshay kulankoodii ugu horeeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 27 March 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa Shir-guddoomiyey Shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha xukuumadda cusub ee Dowladda Puntland oo maanta ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

    Golaha xukuumadda ee cusub ayaa Shirka lagula wadaagay, hanaanka wadashqeyn ee Dowladda, Habraacyada heer walbo, Guddiyada loo kala qeybiyay Golaha, Mashaariicda iyo shuruudaha Dowladda Puntland ee la waafijiyo, sida ay u shaqeeyaan adeegyada danbeysan ee Wasaaradaha sida Khasnada Mideysan, Adeega Goluhu ku xiriiro ee E-cabinet, sida ugu wanaagsan ee loo isticmaalo warbaahinta iyo Hab-Maamulka heer walbo.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha cusub Kula dardaarmay in ay bulshadooda ugu adeegaan sida ugu wanaagsan ee ay awoodaan. Isagoo u rajeeyay in Allaah u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.