Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada Puntland oo laalay heshiiskii Shirkada daabacday Buugga…
    Somalia

    Golaha Wasiirada Puntland oo laalay heshiiskii Shirkada daabacday Buugga…

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 22, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 21 Sep 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Go’aan laga soo saaray Buugta taariikhda ee Dugsiyada sare ee Puntland oo ay ku jiraan qaladaadka Dastuuriga ah, Warbixinta Guddiga Gurmadka ee deegaanka Milxo, Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Ciyaaraha Gobolada Puntland.

    Golaha Wasiirada kadib markii uu dood ka yeeshay qaladaadka Dastuuriga ah ee ku jira Buugaagta Taariikhda ee Manhajka Dugsiyada Sare ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:-

    1: In la buriyey in wax laga barto Buugta khaladaadka Dastuuriga ah lagu helay ee ah Maadada Taariikhda Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare ee Puntland, Lana soo xereeyo dhammaan Kuwa sida khaldan u daabacan.

    2: In heshiiskii Shirkada Daabacday Manhajka la joojiyey gabi ahaanba.

    3: in Xeer ilaalintu baadhitaan deg deg ah sameyso si sharciga loo horkeeno cidii Denbiga gashay.

    Arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ayaa Kulanka looga hadlay, Goluhu wuxuu boggaadiyay sida wanaagsan ee ay u socdaan Dhismaha Goleyaasha deegaanka oo Hadda la dhisay kala bar 30-kii degmo ee Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ka dhaceen.

    Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Guddiga gurmadka deegaanka Milxo, waxayna Golaha la wadaageen in ay gurmad isugu jira Raashin, Hu’ iyo agab caafimaad gaarsiiyeen 400 oo qoys oo uu saameeyay dabkii ka kacay Milxo, waxay Sidoo kale la wadaageen Golaha qorshaha Gurmadka , baahiyaha ka jira deegaanka iyo Sidii loo sii dardargelin laha gargaarka iyo garab istaaga dadka deegaanka Milxo.

    Ugu danbeyn waxaa Golaha Wasiirada la horkeenay Koobkii Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland oo ay kusoo guuleysteen xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Guddiga qaban qaabada Xulka Nugaal, Guddoonka Ciyaaraha Gobolka , Tababaraha Nugaal, Ku-xigeenkiisa , Kabtanka iyo qaar Ciyaartooyda ka mid ah ayaa Golaha keenay Koobka .

    Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa u hambalyeeyay xulka Nugaal iyo Gobolkii martigeliyay Koobka ee Mudug, wuxuuna muujiyey muhiimada Dowladdu siisay Ciyaaraha in dhammaan kharashka ku baxay ay Dowladdu bixisay, isagoo casumaad rasmiya u fidiyey iyo kulan inta ka balaaran xulka Nugaal dhammaan Ciyaartooda, Guddiga la shaqeynayey iyo Masuuliyiintooda.

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.