Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiiradda Israa’iil oo isku khilaafsan waxa laga yeelayo Qasa dagaalka kadib
    Leader of the Israeli Yemina party, Naftali Bennett, delivers a political statement at the Knesset, the Israeli Parliament, in Jerusalem, on May 30, 2021. - Nationalist hardliner Naftali Bennett said today he would join a governing coalition that could end the rule of the country's longest-serving leader, Prime Minister Benjamin Netanyahu. (Photo by YONATAN SINDEL / POOL / AFP)
    Somalia

    Golaha Wasiiradda Israa’iil oo isku khilaafsan waxa laga yeelayo Qasa dagaalka kadib

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 19, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir ka tirsan xukuumada dagaalka ee Israa’iil Benny Gants ayaa ku hanjabay in uu is casili doono haddii aanu Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu uusan dejin qorshah dagaalka ka dib ee marinka Qaza.

    Mr Gantz ayaa u qabtay 8-da Juunyo maalinta kama dambaysta ah ee lagu gaarayayo qorshe ka koobaan lix qoddob oo ” istiraatiiji ah “, oo ay ku jiraan dhammaadka xukunka Xamaas ee Gaza iyo samaynta maamul rayid ah oo caalami ah oo dhulka ah.

    “Haddii aad qaranka ka hormarisaan shaqsiga, waxa aan noqon doonaa saaxiibada halgank” ayuu yiri. “Laakin hadii aad doorataan dariiqa xagjiriinta oo aad umadda oo dhan ku hoggaamisaan god, waxaa nalagu qasbi doonaa in aan dowladnimada ka baxno.”

    Mr Netanyahu ayaa hadalkaas ku gacan seeysaty waxana uu ku tilmaamay “Erayo aan macno lahayn” oo la macno ah “guuldarada Israa’iil”.

    Khilaafka sii kordhaya ayaa kusoo aaday iyadoo Marinka Qasa uu dagaal ka socdo, iyadoo ciidamada Israa’iil ay howlgalka ka wadaan koonfurta magaalada Rafah iyo magaalada Jabalia ee dhacda waqooyiga, oo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee taariikhiga ah ee Qasa, isla markaana ah goob ay ciidamada Israa’iil horay u sheegeen inay ka saareen. Dagaalyahanada Xamaas.

    Mr Gants ayaa arintan ka hadlayay maalmo uun ka dib markii xubin kale oo ka tirsan golaha wasiirada dagaalka, Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, uu ku boorriyay Netanyahu in uu si cad u sheego in Israel aysan wax qorshe ah ka lahayn inay la wareegto maamulka rayidka iyo kan militariga ee Qasa.

    Mr Gallant waxa uu sheegay in uu arrintan ku celceliyay bilo balse aanu wax jawaab ah ka helin.

    Isaga iyo Mr Gants waxay sheegeen in joogista awoodda milatari ee Gaza ay kordhinayso khatarta ammaanka ee Israel, halka kuwa kale, oo ay ku jiraan xubnaha midigta fog ee isbahaysiga talada haya ee dowladda Netanyahu, ay rumaysan yihiin in sii wadida xakamaynta ay lagama maarmaan tahay si looga adkaado Xamaas.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.