Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goloha Amaanka Qaramada Midoobay oo taageeray Midnimadda iyo Madax-banaanida Soomaaliya.
    Somalia

    Goloha Amaanka Qaramada Midoobay oo taageeray Midnimadda iyo Madax-banaanida Soomaaliya.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2024Updated:January 11, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay is-afgaradka ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay si aad ah ay uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsaneyso Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay arrintaas mowqif uga qaadan laheyd.

    Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka qeydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    “Waxax uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo. Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

    “Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri

    Halkan ka akhriso:-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.