Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goormee ku eg-tahay mudada xil-heynta GKMDQ, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ?
    Somalia

    Goormee ku eg-tahay mudada xil-heynta GKMDQ, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 9, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muddada xil-haynta guddiga doorashooyinku waxa ay dhammaaneysaa 4 bil kaddib marka ay dhammaato xil-haynta madaxweynaha & Baarlamaanka”

    Sida uu dhigayo qodobka 9aad ee Sharciga uu kudhisan yahay Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranku muddada xil-haynta ee GMDQ waa 6 sano oo aan la soo cusbooneysiin Karin, taas oo kabillaabaneysa maalinta Baarlamaanku Ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka.Haddaba Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ansixiyey 9-ka xubnood ee guddiga doorashooyinku ka kooban yahay 6-July-2015, sidaas awgeed muddada xil-haynta Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranku waxa ay ku egtahay 6-July-2021.

    Dhaarintii GMDQ, 27 Desembar 2016.

    Sida ay qabaan qodobada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka kmg ah Muddada xil-haynta Golayaasha dowladda federalku sida Xukuumadda (Madaxweynaha) iyo Baarlamaanku waa  4 sano oo kabillaabaneysa maalinta Natiijada doorashada Baarlamaanka lagu dhawaqo iyo maalinta madaxweynaha xilka loo dhaariyo, sidaas awgeed muddada xil-haynta Baarlamaanku waxa ay dhammaaneysaa 27-December-2020, halka muddadad xil-haynta madaxweynuhu ay ku egtahay February-2021

    Doorashadii 8-Febraury-2017

    Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranku waxa uu shaaciyey kuna celceliyey in uu diyaar u yahay qabashada doorashooyin qof iyo cod ah (One vote one person) iyada oo ay jiraan arrimo waaweyn oo xiriir laleh suurtagalnimada in ay dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2021, kuwaas oo aan illaa hadda aanay wax muuqada ka qabsoomin sida Nabadgelyada guud ee dalka, Tirakoobka guud ee Dadka, Diiwaangelinta codbixiyaha, Xeerka Doorashooyinka, Deegaan doorashada, Wacyi-siinta codbixiyaha iyo arrimaha la xiriira Dastuurka, Somaliland iyo xal u helidda caqbadaha kataagan Nidaamka federaalka.Xaliima Ismaaciil Ibrahim guddoomiyaha GMDQ oo kahadashay kulan looga hadalayey doorashooyinka 2020 oo kadhacay magaalada Muqdisho 3 October 2018, waxa ay sheegtay in sanadka 2019 uu yahay waqti adag oo ay dhacayaan dhammaan xilliyada kamadambeysta ah ee loogu tala-galay in ay qabsoomaan inta badan arrimaha waaweyn ee la xiriira qabashada doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020/2021, waxa ayna xukuumadda federalka iyo deeq-bixiyeyaasha kacodsatay in ay qaataan kaalintooda ku aaddan hirgelinta doorashooyin guud oo kawada dhaca dalka oo dhan.Hadalka guddoomiyaha GMDQ waxa uu muujiyey welwel kusaabsan waqtiga iyo qaabka hergelinta doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020/2021, kaas oo u muuqda in aanay suuragal ahayn in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo iyada oo muddada kaharsan iyo howsha ay u baahan tahay doorashada qof iyo cod ay u muuqato in aanay is dabooli Karin.May-2-2019 golaha Wasiirada xukuumadda federaalka ayaa meelmariyey hindise-sharciyeedka doorashooyinka qaranka, qodobka 56aad ee hindise-sharciyeedka doorashooyinka ayaa muujiyey in doorashadu dib u dhici karto sidaas awgeedna ay kordhi doonto muddada xil-haynta Baarlamaanka sidaas oo kalana ay la kordhi doonto muddada xil-haynta Madaxweynuhu.21-July-2019 guddoonka golaha shacabak ayaa magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo turxaan-bixin ku sameeya hindise-sharciyeedka doorashooyinka hayeeshee hindise-sharciyeedka doorashooyinku waxa  weli kataagan cabasho iyo tuhun ah in xukuumaddu dooneyso muddo korosi.Haddaba sidee GMDQ iyada oo ay jiraan arrimaas oo dhan ugu maaweelin karaa dadweynaha in uu qabanayo doorashooyin qof  iyo cod ah?

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.