Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Goormee Shirkadda Diyaarada Ethiopian Airlines bilaabaysa duulimaadyada Boosaaso ?
    Somalia

    Goormee Shirkadda Diyaarada Ethiopian Airlines bilaabaysa duulimaadyada Boosaaso ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 14, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa shaacisay waqtiga uu bilaaban doono duulimaadka ay shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ku tegayso Magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook,  ayaa sheegay in diyaaradaha Ethiopia Ariline ay bilaabayaan dulimaadyadooda garoonka Magaalada Boosaaso ‘03-02-2020’, ayna 3 jeer ka dagi doonto garoonkaas toddobaadkii.

    “Duulimaadka kowaad waxa uu bilaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, hadii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad malinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Puntland

    Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Mr. Xoosh ayaa sheegay in duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airways ee Boosaaso, ay ku xirnaan doonto hadba sida uu noqdo dalabaadka iyo baahida.

    Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airways ayaa duulimaad toos ah ku imaanta Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland, iyadoo isku xirta Puntland, Adis-ababa iyo Caalamka, taasi oo u fududaysay dad badan oo qurbo-joog reer Puntland inay yimaadaan dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.