Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddiga doorashooyinka Galmudug ee Ahlu-sunna oo Guddoomiye doortay+Sawirro
    Somalia

    Guddiga doorashooyinka Galmudug ee Ahlu-sunna oo Guddoomiye doortay+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa doortay Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Xoghaye, waxaana loo doortay Guddoomiywha Yaasiin Sheikh Muxumed, Kuxigeen waxaa loo doortay Maxamed Yaxye Faarax, halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Muxiyaddiin Suni.

    Guddigan uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa maanta waxaa ansixiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug Qeybta Ahlusuna ku leedahay, waxaana Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir oo ka hadlay kulanka uu sheegay in Dastuurka Galmudug uu xaq u siinayo inay magacaabaan Guddiga Farsamada Doorashooyinka Galmudug.

    Maalintii shalay ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay iyana Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen iska dhex doorteen.

    Dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo mida ciidan ee ka jirta Dhuusamareeb iyo kulamada labada dhinac ay yeelanayaan ayaa loo arkaa Minddi Minddi ku taag, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladahan ka socda magaalada inay abuuraan dagaal labada dhinac ka dhex qarxa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.