Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo loogu Hanjabay Xil ka qaadis & Khilaaf xooggan oo ka taagan..!!+XOG
    Somalia

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo loogu Hanjabay Xil ka qaadis & Khilaaf xooggan oo ka taagan..!!+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa hakad ku jira weli Qabashada Ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Kubadda cagta ee Degmooyinka Gobalka Banaadir, taas oo baaqatay 24-kii bishii Hore kaddib markii korontada laga jaray Garoonka Eng. Yariisow oo ay kuwada sugnaayeen kumanaan shacab ah iyo kooxaha degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ciyaartaasi ku balansanaa.

    Wararka ayaa sheegaya in qabashada Ciyaartan ay u xayiran tahay khilaaf culus oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye.

    Wararka ayaa intaas ku daraya inuu aad u sii xoogeestay Khilaafka Wasiir Khadiija iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, waxaana Guddoomiye Cumar Filish loogu hanjabay in xilka laga qaadi doono, hadii uusan la shaqeyn Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, sida uu sheegay mid kamid Shaqaalaha Wasiirada.

    “Wasiir Khadiija waxay madaxda qaranka u sheegtay in aysan qabsoomi karin ciyaarta degmooyinka ilaa laga heshiiyo gobalkana ogolaado in uu la shaqeeyo wasaaradda waana laga aqbalay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, oo muddo kooban xilka hayay ayaa u muuqda haatan inuu wajahayo jahwareer fara-gelin xoog leh, taas oo curyaamiyay shaqadii uu qaban lahaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.