Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND OO MAGACAABAY GUDDIGA KASOO TALO BIXINTA WAX-KA BEDELKA DASTUURKA DAWLADDA PUNTLAND
    Somalia

    GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DAWLADDA PUNTLAND OO MAGACAABAY GUDDIGA KASOO TALO BIXINTA WAX-KA BEDELKA DASTUURKA DAWLADDA PUNTLAND

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 6, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, May 06, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06 May, 2023 magacaabay Guddiga kasoo talo bixinta Wax-ka bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu: –

    MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 139-aad.

    MARKUU ARKAY: – Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobadiisa 8-aad faqradiisa 11-aad iyo 3-aad farqadiisa 22-aad.

    MARKUU ARKAY:- Soo gudbinta Madaxweynaha Tixraac MW/DPS/52/2023 ee 06/05/ 2023

    MARKUU LA TASHADAY: –

    Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada.

    WUXUU MAGACAABAY:-

    Guddiga Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, si ay falan-qeyn ugu sameeyaan wax-ka-beddelka Dastuurka Dawladda Puntland ee Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna Golaha u soo gudbiyaan talobixintooda.

    1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)
    2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)
    3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)
    4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)
    5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

    Waxaa Guddiga kaalinaya Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada DPL Cabdinuur Xasan Maxamed iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiillada Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamed

    Wada-shaqeyn Wacan

    Mudane. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil
    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.