Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ka hadlay sababta loo fulin la yahay xukunka Kiiskii Caa’isho Ilyaas+VIDEO
    Somalia

    Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ka hadlay sababta loo fulin la yahay xukunka Kiiskii Caa’isho Ilyaas+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020Updated:January 11, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sii-hayaha xilka Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland Nuur Ciise Maxamed, oo ka hadlay sababta keentay in aan weli la fulin xukunkii lagu riday saddex nin oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Aaden, ayaa sheegay in fulinta kiiskaas uu sugayo in eheladeeda ay codsadaan qisaas iyo in maxkamadda sare loo gudbiyo warqadaha arrintaasi la xidhiidha.

    Guddoomiye Nuur ayaa sheegay in fulinta kiiskaasi aanu u xannibnayn saxiixa madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay in madaxweynuhu saxiixo arrimaha la xidhiidha ciidamada oo keliya, kiiskana uu yahay mid madani ah.

    Wuxuu intaas ku daray in Xafiiska Xeer-ilaalintu ay Maxkamadda u soo gudbiyeen, codsi ku aaddan fulinta xukunka, balse aysan ku soo lifaaqin warqaddii dhaxal-koobka iyo codsigii qisaas-dalabka, sidaasi darteedna uu Galkaasi kala dhiman yahay.

    Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa imnaya iyadoo Baraha Bulshada oo mar kale dood ka abuuray Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan, kaddib markii dhowaan wax laga weydiiyay Madaxweyne Deni, oo sheegay in uusan wax saxiix ah ku laheyn Kiiskan, oo ay ugu xukuman yihiin dil toogasho ah saddex nin oo kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

    Kiiskan oo isugu jiray Afduub, kufsi iyo dil ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo bishii February ee sanadkii tagay ee 2019, waxaana xukunkooda isku raacay Maxkamadaha Saddexda darajo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.