Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Anteeno “Kheyraadka Badda Puntland jariifayaal baa xaalufiyay”
    Somalia

    Guddoomiye Anteeno “Kheyraadka Badda Puntland jariifayaal baa xaalufiyay”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2020Updated:January 20, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaha Degmada Bandar-Bayla oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegay in burcad-badeedii ay isu bedeshay Jariiflayaal xaalufiyay Khayraadkii badda, isagoona walaac xoog leh ka muujiyay waxa ka socda Badwaynta Hindiya oo uu tilmaamey in la geliyay qalab mamnuuc ka ah Caalamka in lagu kaluumaysto.

    “Badii waa la baabi’iyay, waxaa la geliyay boqolaal qalab ah oo aduunka laga mamnuucay, kuwaas oo laga keenay Dalka Cumaan, Burcad-badeedii laga sifeeyay waddanka waxay isu bedeleen kuwa ilaaliya doonyaha badda jariifaya” ayuu yiri Saciid Ateeno.

    Sidoo kale, Guddoomiye Anteeno ayaa Ciidamada Booliska Puntland iyo Wasaarada Amnigga ku dhaliilay in ay wax ka qaban-waayeen cabasho tiro dhawr jeer uu la waddaagy oo la xiriirtay in ciidamada la geeyo deegaanada xeebaha ah ee ku teedsan Bandar-Bayla si wax looga qabto xaalada adag ee taagan.

    Ugu dambeeyntii, Guddoomiyaha Degmada Bandar-beyla ayaa sheegay in kaluumaystadii Maxaligga ahayd ay suuqla’aan heshay, Sidoo kalena ay cabsi darteed baddii ka kaluumaysan waayee. Ugu danbayn waxa uu dawlada ugu baaqaay in aan la daawan khayraadkii dalka oo la dabar-jarayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.