Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Mursal “Mudada xil-heynta MD Farmaajo waa 4 sanno, muddo kororsina xaq uma leh”
    Somalia

    Guddoomiye Mursal “Mudada xil-heynta MD Farmaajo waa 4 sanno, muddo kororsina xaq uma leh”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa meesha ka saaray walaacii ka dhashay dib u dhicii ku yimid furitaankii Kalfadhiga 7aad ee labada Aqal, kaasoo siyaasiyiin badan ku macneeyeen inay bilow u tahay qorshe la doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

    Qoraal si wadajir ah ay maalin ka hor u soo saareen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka waxay ku shaaciyeen in dib loo dhigay furitaankii kalfadhiga 7aad oo ku beegnaa 20-kii bishan, waxaana taasi ay keentay walaac badan oo ku aadan inuu jiro qorshe muddo kororsi ay dowladdu ku sameysaneyso.

    Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus darteed dib loogu dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad, isagoo xusay in doorashada waqtigeeda lagu qaban doono.

    Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa meesha ka saaray suurta-galnimada in la sameyn doono muddo kordhin, gaar ahaan muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

    “Dalku sharci iyo dastuur ayuu leeyahay meel ay kaga qoran tahay mudo kororsi ma jirto baarlamaanka iyo Guddoonkiisuna kuma fekerayo inuu mudada korarsado xaqna uma leh muddada xil-heynta baarlamaanka waa 4 sano, qodobka 91aad ee dastuurka markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta Madaxweynaha ay tahay 4 sano. Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu dhammeystiro”ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.