Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Mursal “Mudada xil-heynta MD Farmaajo waa 4 sanno, muddo kororsina xaq uma leh”
    Somalia

    Guddoomiye Mursal “Mudada xil-heynta MD Farmaajo waa 4 sanno, muddo kororsina xaq uma leh”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa meesha ka saaray walaacii ka dhashay dib u dhicii ku yimid furitaankii Kalfadhiga 7aad ee labada Aqal, kaasoo siyaasiyiin badan ku macneeyeen inay bilow u tahay qorshe la doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

    Qoraal si wadajir ah ay maalin ka hor u soo saareen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka waxay ku shaaciyeen in dib loo dhigay furitaankii kalfadhiga 7aad oo ku beegnaa 20-kii bishan, waxaana taasi ay keentay walaac badan oo ku aadan inuu jiro qorshe muddo kororsi ay dowladdu ku sameysaneyso.

    Guddoomiye Maxamed Mursal oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus darteed dib loogu dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad, isagoo xusay in doorashada waqtigeeda lagu qaban doono.

    Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa meesha ka saaray suurta-galnimada in la sameyn doono muddo kordhin, gaar ahaan muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka.

    “Dalku sharci iyo dastuur ayuu leeyahay meel ay kaga qoran tahay mudo kororsi ma jirto baarlamaanka iyo Guddoonkiisuna kuma fekerayo inuu mudada korarsado xaqna uma leh muddada xil-heynta baarlamaanka waa 4 sano, qodobka 91aad ee dastuurka markaad fiirisana wuxuu dhigayaa in xil-heynta Madaxweynaha ay tahay 4 sano. Marka ma jirto meel ay baarlamaanka ugu bannaan tahay inay xilka korosadaan, baarlamaankuna hadda uma diyaar garoobayo inuu xil kororsadee wuxuu u diyaar garoobayaa in shuruucdii dhinneyd uu dhammeystiro”ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.